Booliiska oo helay xogo hor leh oo ku saabsan ninka Soomaaliga ah ee loo haysto dilka Amess (Muuqaallo CCTV ah oo ay heleen)

0

(London) 19 Okt 2021 – Ninka loo haysto dilka Xildhibaan David Amess ee Cali Xarbi Cali ayay kaamirooyinka amaanku qabteen isagoo wareegaya jidadka Woqooyiga London kahor inta aanu dilka gaysanin.

Ninkan oo 25-jirka ah ayaa u socdey dhanka saldhigga tareennada ee Gospel Oak aminta maxalliga ihi markii ay ahayd 8.44am Jimcihii, isagoo 3 saacadood kaddib tegey Essex oo ah halka uu ku diley Sir David.

Muuqaalkan CCTV-ga oo la fahamsan yahay inuu gacan ka gaysan doono baarista booliiska, ayaa waxaa ka muuqda Cali oo laafyoonaya isagoo xiran jaakar dheer iyo surwaal madow, isla markaana dhabarka ku sita boorso gacanna jeebka kula jira, wuxuuna todobaad kahor ballansaday xildhibaanka uu khaarajiyey oo 69-jir ahaa.

Cali ayaa la fahamsan yahay inuu Gospel Oak kaddib u safray bariga London kahor intii aanu u bedelanin tareennada gobollada aadaya gaar ahaan Leigh-on-Sea.

Safarka ayaa qaatay saacad iyo bar, taasoo ka dhigan inuu meesha uu wax ku khaarajiyey tegey 10.30am, taasoo ah saacad iyo bar kahor marka la toorriyeeyey Sir David isagoo ku sugan Methodist church-ka Leigh.

Booliiska oo horay u sheegay in ninkani dilka muddo qorshaynayey, ayaa haatan bilaabay inay su’aalo waydiiyaan ehelka eedaysanaha iyo dadkii uu xiriirka la lahaa. Halkan ka arag sawirrada…

Hadalsame Media