QARAXII SOOBBE: 11-kii daqiiqo ee uu Ilaahay igu badbaadiyey! (Sheeko cabsi leh)

0

(Hadalsame) 14 Okt 2021 – 11-kii daqiiqo ee uu Ilaahay igu badbaadiyey!

Waa maalin sabti ah, 14-ka Okt 2017-kii, waxaan si KMG ah u daganahay aagga Macruuf, Buulo Xuubeeyey, degmada Wadajir!

Sanadkii kowaad ayaa gebo gebo ii maraya Jaamacadda City. Maalintaas toddobaadku bilow yahay, laba xiisad ayaan leeyahay, midda dambe oo soo galeysay 1pm ayaan xusuustaa oo uu si wadajir ah noogu lahaa anaga (Semester two iyo Semester four) Dr. Zafar Alam, maadadu waa Ethnicity and Nationalism.

Maadama aan subixii 9am aan lahaa xiisad hore, waxaan ka soo quraacday maqaayad ku taalay dabaqa Zoobe qeybtiisa hoose, kaddib waxaan soo aaday xarunta Jaamacadda ee Yusuf zal-Kowneyn.

Waxaan maanka ku hayaa marka laga yimaado xiisadaha, kulan ciyaareed xiiso badan oo ka tirsan English Primier League, kaas oo u dhexeeyey Manchester United iyo Liverpool, waxa ay soo galeysay 2:30 🕝 waa xilliga ay dhammaaneyso xiisadda ii bilaabaneysa 1pm.

Maalintaas maankeygu wuu laba labeynayey, xiisadda labaad ma ka soo taktaa iyo qeybta dambe ciyaarta ma daawataa! Sababtu waa xiisaddaas iyo kulankaas oo aan wada xiiseenayey!

Yeelkeede, waxaan qaatay go’aan dhex dhexaad ah kaas oo ahaa maadama xiisadda 2:30 dhammaaneyso, kulankana bilaabanayo, soo dhammeyso Class-ka kaddibna Bajaaj dheereysa ku soo bood oo ka soo gaar ciyaarta qeybta hore intii suurtagal ah.

Xiisaddii ayaan xaadiray, markii ay goor sheegtadu dul hogatay 2:30 ayuu Dr. Alam sidii uu caanka ku ahaa yiri ‘End of class!” Xiisaddii waa dhammaatay!

Ma sugin is xaaditrintii caadiyan la sameyn jiray marka xiisaddu dhammaato ee aniga oo aan hareeraha eegin ayaan taw iri oo aan istaagay albaabka laga boxo si aan u qabsado bajaaj uu wado wiilka ugu faraha fudud!

Waxaan halkaas waa albaabkee ugu tagay Keyse Salal oo ahaa saaxiib barta culuumta Beeraha oo isna sugaya gaadiid uu xaafadiisa oo ceelasha biyaha ah u raaco! “Kaalay Bajaata ila raac ilaa iyo Km4,” ayaan ku iri, isna waa aqbalay.

Aniga iyo Keyse waxaan bajaajta uga wada dagnay SOM OIL oo in yar u jirta wareegga KM4. Anigu hore ayaan ka qabsaday Caasi ama Hoomey aadaya dhinca Madiina si aan uga dago marka uu istaago Macruuf!

Maalintaas waxaa isku xirnaa ama ciriiri aad u baaxad weyn uu ka jiray laga bilaabo laami yaraha Zoobe ilaa iyo Isgoyska Banaadir meel u dhaw.

Marba sidii uu ila tiicayey Bus-ka, markii uu istaagay Maqaayadda Fatxi ayaan dulqaadan waayey oo aan go’aandaday in aan inta ka dago dhinaca kale ee wadada danwadaagta ka qansado mid kale! Sidii ayaan yeelay! Ciyaarta ayaan u ordayaa!

Markii aan guriga tagay iyo markii aan caasiga dulqaad la’aanta uga dagay, waxaa u dhexeysay 11 daqiiqo!

Waxaan ku gaaray kulanka oo ay shan daqiiqo ka dhiman yahay, wax goolal ahna aan la’iska dhalin!

Markii ay qeybtii hore wax yar laga joogo, waxaa halmar gurigii gilgilay qarax aan waligey maqal wax ka xoog badan.

Waa qaraxii Zoobe, dhawr maalmood ayey igu qaadatay in aan maskaxiyan ka soo kabto argagixi aan ka qaaday iyo suuraysashadii inta aan u jirsaday.

Waxaan wacay Keyse, telkii waa ka dansan yahay. NAXDIN weynaa, balse fiidkii ayaan helay oo aan ogaaday in Eebe badbaadiyey.

Waxaan ilaahay uga baryayaa dadkii qaraxaas ku geeriyooday, inta dhaawaca ka soo gaaray na Eebe ha sahlo.

Ma aha dhacdo la ilaawi doono.

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media