”Dadka ku baaqaya dagaal Somalia lala galo ma aha dad dagaal yaqaanna!” – Dood kulul oo ka dhacday Aqalka Sare ee Kenya (Daawo)

0

(Nairobi) 14 Okt 2021 – Aqalka Sare ee Kenya ayaa ka wada dooday xukunkii Maxkamadda ICJ ay ka riddey dood-afeedkii u dhexeeyey Somalia-Kenya, taasoo inta badan loo xugmiyey Somalia.

Yeelkeede, Dowladda Kenya ayaa horayba u diiddey go’aankaasi, iyadoo ay dad badan oo Kenyan ihi ay ku baaqayeen in ay Kenya cudud ciidan adeegsato, waloow aysan taasi sahlanayn, halka ay qaar kale ku doodayaan in xaalka la dejiyo oo hab silmi ah la maro.

Sen. Murkomen Onesimus Kipchumba oo ka hadlay Aqalka Sare ee Kenya oo arrintan ka dooday ayaa wax aan waaqici ahayn ku tilmaamay in Kenya lagu qalqaaliyo dagaal ay la gasho Somalia.

”Dagaal xal ma aha, dalkani lama dagaallami karo deriskeeda. Dadka leh Somalia hallala dagaalo ma aha dad dagaal wax ka yaqaanna. Meesha waxaa yaalla khayraad, balse waxaa loo baahan yahay sidii looga faa’iidaysan lahaa.” ayuu yiri Murkomen oo ”jaahiliin ku tilmaamay Kenyan-ka arrintaa ku baaqaya.

Wuxuu kaloo Senatarku dhaliilay maqaamka diblomaasiyadeed ee Kenya, isagoo is waydiiyey sababta haddii ay yihiin dalka ugu hodonsan gobolka ay mar kasta ku guuldarraystaan doodaha dhexmara iyaga iyo dersaantooda min Tanzania, Uganda, xitaa South Sudan, Rwanda iyo Burundi.

Wuxuu Senatarkan oo sidoo kale ah qarreen caan ah, isla markaana metela Elgeyo-Marakwet County, ayaa aad carrabka ugu adkeeyey in Kenya ay Somalia kala xaajooto arrintan si ay uga wada faa’iidaystaan wixii khayraad ah, balse aan marna dagaal wax lagu raadinin.

Halkan hoose ka DAAWO….

Hadalsame Media