Turkiga oo hub halis ah ka iibinaya dalka Itoobiya & Masar oo ka carootey (Tillaabooyin ay qaadday)

0

(Ankara) 14 Okt 2021 – Turkey ayaa ballaariyey daroonnada dagaalka ee uu siinayo dalalka Morocco iyo Ethiopia, iyadoo ay arrintani xumayn karto xiriirka awalba xumaa ee Qaahira iyo Ankara, maadaama ay Masaarida Addis Ababa isku hayaan biyo-xireenka Niilka Buluugga ah.

Laba ilood oo amaan oo ay soo xigatey Reuters ayaa Maraykanka iyo Midowga Yurub ka codsaday in ay gacan ka siiyaan sidii loo hakin lahaa heshiiskan, xilli aad looga baqayo daroonnada Turkiga oo isku muujiyey dagaallada Suuriya, Ciraaq, Libya, Azerbaijan iwm.

Il 3-aad oo Masaari ah ayaa iyaduna sheegtay in heshiiskan lagu soo qaadi doono kulan heer sare ah oo lagu wado inuu dhexmaro Qaahira iyo Ankara oo bilihii dambe wadey qorshe lagu wanaajinayo xiriirka xumaaday ee labada dal.

Yeelkeede, Turkey, Ethiopia iyo Morocco ayaan weli si rasmi ah uga hadlin heshiiskan la seegayo ee iibka daroonnada dheeraadka ah, balse ilo arrinta xog ka haya ayaa u warramay Reuters.

Itoobiya ayaa doonaysa dhowr xabbo oo ah daroonka Bayraktar TB2O, iyadoo hubka dhanka cirka ee uu Turkigu iibiyey rubaca 1-aad ee sanadkan oo qura uu dhaafayo $2.1 bilyan oo doollar, taasoo ka dhigan sare kac gaaraya 39%, isagoo sanadkii hore xilligan oo kale ahaa $1.5 bilyan oo doollar, sida uu sheegay Hay’adda Dhoofka Turkiga.

Hadalsame Media