UEFA oo debacday & kooxaha waawayn oo loo ogolaaday in loo kordhiyo lacagaha kasoo gala CL (Goorta la bilaabayo?)

0

(Nyon) 14 Okt 2021 – Sida ku qoran Il Giornale, UEFA ayaa diyaar u ah inay saamiga lacageed u kordhiso kooxaha waawayn, gaar ahaan dhanka xuquuqaha gaarka ah dhanka tartanka Champions League.

UEFA oo aragtidan horay ugu gacan sayrtay bishii Maarso ee sanadkan, ayaa haatan aragtidan madadaalinaysa.

Sababta ayaa lagu sheegay in UEFA uu wiishku ku yeerey kaddib markii ay kooxaha waawayn ku dhawaaqeen European Super League, waloow ay badankoodu ka noqdeen.

Qorshahan ayaa lagu wadaa in la ambaqaado fasal-ciyaareedka 2024-2027 isagoo soconaya muddo 3 sanadood ah.

Kooxaha waawayn ee Yurub ayaa muddo dheer waxay UEFA kula doodayeen in loo badiyo lacagaha laga siiyo ka qaybgalka CL, maadaama ay kooxaha yar yar ka saamayn badan yihiin.

Kooxaha Juventus, Barcelona iyo Real Madrid ayaa weli ku haray qorshaha ka dhanka ah UEFA.

Hadalsame Media

Facebook Comments