Fasiraad sharci ah oo laga bixiyey halka la cusjiyey diidmada Garsoore Cabdiqawi

0

(Hadalsame) 14 Okt 2021 – Haddii la soo koobo Go’aanka gaarka ah ee Garsoore Cabdiqawi yuusuf waa sidaan:

Garsoore Cabdiqawi Yuusuf Axmad Gudoomiyihii hore ee Maxkmadda cadaaladda adduunka ayaa soo saaray go’aan ugaar ah maadaama ay jireen arimo uu kaga aragti duwanaa Garsoorayaasha kale ee Maxkamadda ICJ.

Qodobka 57-aad ee lagu dhisay Maxkamadda iyo Q.95/2-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda -1978- soo baxay, ayaa awood u siinaya Garsooraha in uu aragtidiisa si gaar ah usoo saaro hadii uusan ku qancin go’aanka Aqlabiyadda.

Garsoore C/qawi waxa uu ku raacsanyahay Garsoorayaasha maxkamadda ICJ arimahaan soo socdo:

1. waxa uu ku raacasanayay Garsoorayaasha diidmada sheegashada Kenya ee ah in iyada iyo Soomaaliya ay lahaan jireen xaduud badeed cabiran, loona raacay cabiridiisa loolka is bar-bar socda .

2. Waxa uu ku raacsanyahay Maxkamadda diidmada ay diiday dalabka Kenya ee ah in la Maxkamadda ay ku cabirto xadka labada dal cabirka loolka is bar-bar socda taas oo ay Kenya u aragtay in uu yahay xalka qura ee lagu gaari karo cadaalad.

3. Sidoo kale Garsoore C/qawi waxuu u arkaa Maxkamadda in ay raacday xariiqa toosan ee lagu cabiro badaha marka ay xadeynaysay Biyaha qaranka, aaga dhaqaalaha baraxa-tiran iyo qol-foof-qaaradeedka intaba, taas oo uu ku tilmaamay mid waafaqsan Q.15-aad ee Heshiiska Caalamiga Ah ee UNCLOSE, hanaanka saddexda heer ee ay Maxkamadda u isticmaasho xadaynta iyo tubta toosan ee Maxkamadda ay raacdo.

Garsoore C/qawi ayaa ku diidan Garsoorayaasha Maxkamadda rimahaan:

1. Habka doorashada tiirarka El-elada ah marka la qaadayo cabirka badda taas oo uu ku sheegay mid aan waafaqsanayn Xeerka badaha iyo fiqhiga qaanuunka.

2. Sidoo kale Cabdiqawi ayaa sheegay in uu diidanyahay Q. 4 iyo 5-aad ee xukunka , diimadiisana waxa ay ku salaysantahay habka loo fuliyey saddexda heer ee loo cabiro badaha, waxayna u muuqataa in aysan garsoorayaasha ku kala aragti duwanayn mabaad’iaadaha waawayn balse ay tahay arimo farsamo oo dhanka fulinta ah Xeerka ah.

Waxaana ododaas ku raacsanaa Garsoorayaasha kala ah, Ronny Abraham “France”, Bhandari “India”
Nawaf Salam “Lebanon”.

3. C/qawi waxa uu diiday waxa ay Maxkamadda ugu yeertay hanaanka samaynta Juquraafiga ballaaran, toos oo Maxkamadda ay ku sheegtay faqrooyinka 164,168 ee xukunka, waxuuna ugu yeeray arin ugub ah, Xeebaha Soomaaliya iyo Kenyana aan ku haboonayn, waxa kaliye ee laga fahmayana ay tahay u jeedo dib u habayn Garsoorka uu ku samaynayo Juquraafiga.

4. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu la yaabanyahay fara-galinta Maxkamadda ee khadka aaga dhaqaalaha baraxa tiran iyo Qolfoof-qaaradeedka, waxuuna ku sheegay Maxkamadda cinwaanka ay u samaysay ee ahaa “ Samaysanka juquraafiga iyo saamaynta uu ku leeyahay loolalka kala fog” in ay tahay erey bixino aan horey loo arag.

5. Sidoo kale C/qawi waxuu sheegay in xukunka Maxkamadda meelaha qaar uu u baahan doono fasiraad, meelo qaarna la tix-galiyey duruufo siyaasadeed, isagoo raaciyey in khariidada tirsigeeda yahay 12 laga yaabo in dhinacyada ka abuurto buuq cusub, taas uu ka waday dhaliil Maxkamadda uu u jeedinayo.

Dooda C/qawi oo ahayd 15 bog, waxuu kusoo gudbiyey aragti qaanuuneed iyo dood maan-gal ah, taas oo laga dheehan karo baaciisa xagga qaanuunka caalamiga ah iyo Khibradiisa shaqo.

doodiisa waxuu saldhig uga dhigay Heshiiska UNCLOS ee badaha Qodobkiisa qodobkiisa 5-aad, fiqhiga qaanuunka, xukuno hore ee Maxkamadaha caalamiga ah ICJ, Maxkamadda badaha ITLOS xukunno Taxkiim ah ay kasoo saareen Guddiyo dowlado u garnaqay, kuwaas oo dooda C/qawi taageerayey.

Tusaale waxuu soo qaatay C/qawi dowladaha Yamen iyo Eritariye oo Yamen dalabkedii ay Maxkamadda diiday iyadoo Q. 15-aad UNCLOS laga duulayo, halka uu sheegay Soomaaliya in ay la timid meel aan shaki ku jirin oo cabirka laga qaado, halka Kenyana ay sheegtay meelo laga qaado cabirka balse Maxkamadda ay si iskeed ah ay cabir u qaadatay.

Sidoo kale waxuu soo qaatay Dowladaha Qadar iyo Baxrayn, Nicaragua iyo Colombia, Libya iyo Tunisia, Cameroon iyo Nigeria, Costa rica iyo Nicaragua, Myanmar iyo Bangladesh, India iyo Bangladesh isagoo sheegay in Maxkamadda ay ka leexatay habka Maxkamadda ay wax u xadayn jirtay, waxuuna ku tag-taagsaday in Heshiiska Kenya iyo Tanzania ee biyaha Kenya lagu soo galay aysan Soomaaliya shaqo ku lahayn.

Waxuu sidoo kale naqdiyey dhacdooyinka Maxkamadda ay u soo daliishatay fara-galinta sida Dacwada ka dhaxaysay dowladaha Guinea iyo Guinea-Bissau oo shegay in duruufaha ay kala duwanyihiin.

Si kastaba xukunka Maxkamadda waa kama dambays, waxaana ka furan oo kali ah dalbasho fasiraad hadii loo baahdo, maadaama aysan jirin sababo dib u eegis keeni karo sida ku xusan Q. 61-aad ee Xeerka Maxkamadda, xukunkana waa mid faa’iido u ah Soomaaliya oo la qaatay doodeeda.

W/Q: Cali Sh. Aadan Yusuf “ Cali Somali”.

Hadalsame Media