Nin khaarajinta xaaskiisa mas Cobra ah u adeegsadey oo la xukumay & sabab yaab leh oo uu falkaa u sameeyey

0

(Kerala) 14 Okt 2021 – Sooraj Kumar, oo ku nool Kerala, Hindiya ayaa haatan lagu xukumay 2 xabsi daa’in oo xiriir ah oo naadir ah, kaddib markii uu mas Cobra ah qaniinsiiyey xaaskiisa.

Xaaska oo Uthra lagu magacaabo ayaa qaniinyada u dhimatay sanadkii tegey, balse qoyskeeda ayaa shakiyey maadaama ay ahayd markii 2-aad ee maskaasi qaniino.

Kumar ayaa markan dambe ee qaniinyada u dhiman doonto maska kusii daayey sariirteeda xilli ay hurdaysey.

Booliiska ayaa baarista bilaabay kaddib markii ay qoyska gabadhu sheegeen in ninku uu muddo ku handadayey lacag sooryo ah oo aysan bixinin.

Booliiska ayaa sidoo kale ogaadey in Sooraj uu ka dambeeyey labada qaniinyaba, iyagoo soo qabtay nin mas-koriye ah oo ku caawiyey farsamada iyo adeegsiga maska, iyadoo kiiska lagu faahfaahiyey  LiveLaw.

Garsooraha ayaa sidoo kale Sooraj ku xukumay ganaax gaaraya 500,000 oo rubi ($6,635 oo doollar ama £4,869 oo gini).

Hadalsame Media