“Xitaa meesha qaraxa waa tegi waayey!” – Sheeko ka mid ah kuwa naxdinta badan ee qaraxii 14-kii Oktoobar

0

(Hadalsame) 14 Okt 2021 – Maanta oo kale sannadkii 2017. Dukaan aan ku lahaa Gubta Barwaaqo ayaan ka tegay casarkii oo la geli rabo. Xaafadda ayaan ku tukaday, mar aan salaaddii ka baxay oo qado iga daahday la i soo hoos dhigay ayaa hal mar gurigii is la lushay.

Inta istaagay ayaan dibadda u baxay. Markaas waxaan is lahaa qaraxa wuxuu ka dhacay Gubta dhexdeeda. Taleefanno ayaan wacay. Dadka qaar waxay lahaayeen jidka Warshadaha ayuu ku aaddan yahay.

Baraha bulshada ayaan ka arkay in uu Soobbe ka dhacay. Waxay ahayd jugtii ugu cusleyd ee aan maqlo marka laga yimaado qaraxyo ka dhacay meelo aad iigu dhowaa.

Dadka ku dhintay waxaa ku jiray walaalkeey marna ahaa saaxiibkeey Cabdullaahi Daahir. Cabdullaahi waxaan shirko ku ahayn dukaan ku yaallay Cape Town oo wuxuu ahaa raggii South Africa aan iska la jabhadeynay. Toddobaadka uu qaraxu dhacayo jimcadii ka horraysay isaga oo gaari yar (mini pick up) kaxeynaya ayaan buurka Ciise Cabdi xoogaa ku sheekeysannay.

Nin ahlu diin ah oo cibaadada ku ad adag ayuu ahaa. Waxaan xasuustaa in markii dukaanka South Africa la iigu keenay isaga oo Soomaaliya ka yimid uu diiday in uu sigaar iyo tubaako iibiyo ama xitaa lagu iibiyo dukaan uu isagu qeyb ku lee yahay.

Waxaa la soo sheegay in Cabdullaahi iyo gaarigii uu wadayba la waayay. Maalmo kadib ayaa taargadii iyo qeyb gaariga ka mid ah oo gubatay la helay. Maalmihii xigay dadku waxay aadayeen goobtii uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa la soo duubaayay muuqaallo argagax leh. Aniga bil iyo dheeraad ma tegin meeshii musiibadu ka dhacday. Rabbi ha u raxmado dadkii ku naf waayay.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media