Jaantus cusub oo muujinaya in Somalia 2 jeer la durjiyey (Kenya oo heshay dhul ka badan midka lasoo bandhigay)

0

(Hague) 13 Okt 2021 – Waxaa la shaaciyey go’aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska Badda Somalia-Kenya, kaasoo ay Somalia inta badan ku guuleysatay.

Qayb baase loo reebay Kenya, taasoo ka bilaabanaysa wixii ka dambeeya 12 NM oo la yiraahdo Aagga Gaarka ah ee Ganacsi (EEZ).

Ha yeeshee, marka la eego jaantuskan cusub ee hoos ka muuqda, waxaa muuqata in dhul-badeedka Kenya loo xukumay uu aad uga badan yahay inta la moodayo.

Sababtuna waxay tahay, in markii horeba ay lada dal kala sheegteen dhul ka yara badan midkoodii, taasoo keentay in Maxkamadda ICJ ay dal walba wax ka reebto.

Waxay taasi ka dhigan tahay in Kenya ay qaadatay dhul qiyaastii gaaraya ama u dhow 40%-35% marka la eego marxaladaha kala duwan ee jimaynta jiitinta oo Somalia 2 jeer la durjiyey. Haddaba ma guulaysanney mise?

 

Hadalsame Media