WAR CUSUB: Yaa diidey in khudbadda Madaxwaynaha toos looga baahiyo SNTV?!! (Arag caddaynta & ceebta dhacday)

0

(Muqdisho) 12 Okt 2021 – Waxaa caawa dadwaynaha TV-ga kala hadlay MW Farmaajo oo bulshada la wadaagayey go’aankii Maxkamadda ICJ oo Somalia u xukuntay qiyaastii 80% dhulkii la isku hayey.

Yeelkeede, arrin kale ayaa haraysay khudbadda Madaxwaynaha waana TV-ga Qaranka oo loo sawiray inuu diidey baahinta khudbadda Madaxwaynaha.

Dabagal ballaaran oo uu sameeyey Hadalsame Media waxaa ku caddaatay in dadka diiddey in khudbadda toos looga baahiyo SNTV ay yihiin isla howlwadeennada Villa Somalia.

Waxaan helnay xilliga muuqaalka khudbadda lagu diray Gmail-ka SNTV oo ah 15 daqiiqo kaddib markii ay toos uga bilaabatay Universal TV, taasoo ah 7:30 aminta maxalliga ah, sida ka muuqata Gmail-ka la diray.

Khudbadda oo aan sideeduba toos ahayn balse horay loo duubay loona jarjaray ayaa galabtadii hore loo diray Universal. Xilliyada oo dhan waxaad ka arki kartaa sawirrada oo uu ku jiro midka Gmail-ka SNTV loogu diray.

“Markii aan Madaxtooyada wacnay waxaa nalaku yiri “idinku horay ayaad nooga hiilliseen marka khudbadda idin siin mayno.” Ayuu Hadalsame ku yiri mid ka mid ah howlwadeennada SNTV oo ah qof la isku hallayn karo isagoo sheegay inay dhowr mar ku noqdeen, balse arrintan loola bareeray si loo sumcad dilo SNTV.

Waxaa kale oo arrintan muujinaya in Cabdirashiid Duqa uu sii ballamiyey khudbadda isagoo farta ku fiiqaya in laga baahin doono Universal.

Lama hubo inuu arrintan wax ka ogaa ama raalli ka ahaa Madaxwaynuhu, balse waa mas’uuliyad xumo wayn.

Halkan ka arag xilliga loo diray TV-ga.

Hadalsame Media