Daalibaan oo hanjabaad u wada dirtay dowladaha Maraykanka & Yurub (Waxa ay qoonsadeen & Qadar oo u dabaal jooglaynaysa)

0

(Dooxa) 13 Okt 2021 – Dowladda cusub ee Afghanistan ee ay Daalibaanku ka taliyaan ayaa u digtey dowladaha Maraykanka iyo kuwa Yurub iyadoo ugu hanjabtey inay moowjado qaxooti ah kusoo fasaxayaan haddii ay cunaqabataynta kusii wadaan.

Wasiir Dibadeedka Daalibaan ee Amir Khan Muttaqi ayaa u sheegay diblomaasiyiinta Galbeedka oo ay Dooxa isku arkeen in “wiiqitaanka dowladda Afghan-ku aysan cidna dan u ahayn”, maadaama ay taasi keeni karto in qaxooti badan oo dhaqaale doon ihi dalkooda ka yimaado.

“Waxaannu dalalkan ku boorrinaynaa inay joojiyaan cunaqabataynta jirta oo ay bankiyada u saamaxaan inay shaqadooda u qabsadaan si caadi ah si ay dowladdu mushaharooyinka u bixin karto iyadoo adeegsanaysa kaydkeeda.” ayuu Muttaqi u sheegay Agence France-Presse (AFP).

Dalalka Yurub ayaa durba ballan qaaday inay bixiyaan 1 bilyan oo euro oo deg deg ah si wax looga qabto xaaladda deg degga ah sida kuwa aadminnimada dalkaasi Afghanistan, balse waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin in lacag toos ah la siiyo kooxda Daalibaan oo ay ku eedeeyeen inay ku tunteen xuquuqda aadanaha, sida ay yiraahdeen.

Wasiir Dibadeedka Qadar, Mohammad bin Abdulrahman Al Thani, oo isna kulanka maanta ka hadlayey ayaa qaab dabaal jooglayn ah u sheegay in aanu weli jirin dhabbe cad oo lagu fasaxayo kaydka maaliyadeed ee Afghanistan, sidoo kalena aanu dalkiisu haatan muhiimad siinaynin aqoonsiga dowladda Daalibaan, balse ay muhim tahay in si caalami ah loo wajaho xaaladda.

Hadalsame Media