12-ka Okt., Maalinta Calanka & Go’aankii ICJ ayaa isku beegmay, haddaba maxaa Oktoobar ku beega dhacdooyinka waawayn (Ka bogo maxalli ahaan & caalami ahaanba)

0

(Hadalsame) 13 Okt 2021 – Oktoobar waa bil amran xumaan iyo samaanba, Soomaalida iyo dunida kaleba. Oktoobar 1954 Soomaalida Muqdisho wax ay doorteen caalanka aynnu maanta naqaan ee xiddigta cad. Oktoobar 1969 waxaa la dilay madaxweynihii Soomaaliya.

Is la Oktoobartaa waxaa dalkii qabsatay askar hubaysan oo in ka badan 20 sano dadka tunka ka ga taagnayd. Oktoobar 1993 waxaa dhacay Dagaalkii Cayiid iyo Maraykan oo kumanyaal qof ku dhinteen. Oktoobar 1995 waxaa la asaasay jabhaddii Rahanweyn Resistance Army RRA.

Oktoobar 2004 waxaa madaxweyne loo doortay Cabdillaahi Yuusuf oo sabab u noqday in Itoobbiya qabsato Soomaaliya. Oktoobar 2008 Hargeysa waxaa ka dhacay weerarradii argagixisada ee la gu beegsaday Madaxtooyada, xafiiskii UNDP iyo xafiiska Itoobbiya, halkaas oo ay ku dhinteen 24 qof.

Oktoobar 2017 waxaa Muqdisho ka dhacay fal argagixiso kii u gu waxshisanaa abid oo ay ku dhinteen 600 oo qof intaa labalaabkeedna ku dhaawacmeen. Oktoobar 2021 waxaa dhacay xukunka badda ee Soomaaliya iyo Kiiniya. Dunida kale, bisha Oktoobar sannadkii 680 waxaa Karbala la gu gumaaday ahlu beydkii Rasuulka scw oo uu ku jiray Xuseen bin Cali bin Abiidaalib (Ina Faadumo Rasuul).

Oktoobar 1492 reer Yurub wax ay cagaha dhigeen qaaradda Amerika taas oo sabab u noqotay in malyuumaad dadkii dhaladka ahaa ah la gumaado, malyuumaad Afrikaan ahna loo addoonnimo geeyo. Oktoobar 1517 waxaa dhab u bilowday cusboonayntii diinta Masiixiga, waxaana qoraalladii mad’habta Protestant ka dhalatay soo saaray baadderi Martin Luther.

Oktoobar 1911 waxaa la dumiyay boqortooyadii kumanyaalka sano soo jirtay ee Shiinaha oo jamhuuriyad la gu beddelay. Is la Oktoobar 1923 waxaa la dumiyay boqortooyadii cimriga dheerayd ee Cismaaniyada oo Mustafa Kamaal Ataaturk baa Turkiga qabsaday. Oktoobar 1957 Israa’iil wax ay Masar ka qabsatay dhulka Siinaay. Oktoobar 1973 waxaa dhacay Dagaalkii weynaa ee Carab iyo Israa’iil. Oktoobar 1981 waxaa la dilay madaxweynihii Masar Anwar Saadaad. Sidoo kale Oktoobar 2011 waxaa la silicdilay madaxweynihii Liibiya Mucammar Qaddaafi.

Xaafadda aan magaaladan Göteborg ka deggan ahay meel dhawr boqol oo mitir ii jirta, Oktoobar 1998 waxaa gole caways ah habeen dab ku qabsaday boqollaal dhallinyaro ah, halkaas oo ay ku dhinteen 63 qof oo shan ka mid ahi Soomaali ahaayeen, 214 kalena ku dhaawacmeen. Qaybta Waqooyi ee dunida Oktoobar caleenta ayaa dhirta ka daadata oo waa bil amran.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media