”Waxaa nagu socda weerarro cid & dhul ah!” – Tigreega oo qirtay inay xaaladdu ku xun tahay

0

(Gondar) 09 Okt 2021 – Ciidamda Xoogga Ethiopia iyo xulufadooda ayaa xoojiyey weerarro dhanka cirka ah oo ay ku hayaan ciidamada TDF ee u dagaallamaya Tigreega, gaar ahaan meelaha ay ka haystaan Gobolka woqooyi ee Amxaara.

Duqaymahan cirka ah ayaa laga sameeyey dhowr meelood sida ay ilo samafal u sheegeen wakaaladda AFP, waana qorshe ay DF Itoobiya ku doonayso inay dib ugu riixdo fallaagada Tigreega.

Getachew Reda, oo ah Afhayeenka Tigreega ayaa isna AFP u sheegay in “weerar culus” lagu soo qaaday Ciidamada Tigreega, kuwaasoo dagaallo ku jirey muddo 11 bilood ah.

Getachew ayaa sheegay in weerarradu ay haatan u badan yihiin “duqaymo cirka ah oo ay dayuurado iyo daroonno gaysanayaan iyo kuwa madaafiicda goobta” isagoo sheegay in “tobannaan kun oo askari” ay kasoo galeen jihada woqooyi ee Gobolka Amxaara sida  North Gondar iyo North Wollo. Sidoo kale degaannada Wurgessa, Wegel Tena iyo jidka isku xira Gobollada Cafarta iyo Axmaarada ayaa aad loo duqaynayaa.

Hadalsame Media