Go’aan Soomaalida saamayn doona oo uu Giriiggu soo saaray

0

(Athens) 09 Okt 2021 – Wasiirka Socdaalka Gariiga Notis Mitarachi ayaa balan qaaday in a joojinayaan qaxootiga ay dib ugu celiyaan Dalka Turkiga.

Sidoo kale waxaa uu wasiirka sheegay in ay baaris ku sameyn doonaan jirdilla iyo dhaca ay ciidanka xuduudaha Gariiga kula kacaan magangalya doonka ka soo talaabado dhanka Turkiga.

Midowga Yurub ayaa Gariiga iyo dowlada badan sida Croatia ku hayo cadaadis joogto ah kadib markii la helay muuqaalo si qarsoodi ah loo soo duubay iyadoo ciidanka ay garaacayan qaxootiga.

Jidkan ayaa inta badan waxaa mara dad tahriib ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay, iyadoo ay Giriiggu marar badan arrintaa Turkiga ku ashtakeeyeen EU.

Waxaa Qoray: Cabdiqani Dalmar

Hadalsame Media