Maxay Kenya ogaatey kahor inta aysan boodin yaase wax loo xugmiyey? Wargays Kenyan ah oo arrin cusub kashifay

0

(Nairobi) 09 Okt 2021 – Kenya ayaa shalay sidii la filayayba caddaysay moowqifkeeda ku aaddan waxa ay ka yeeli doonto go’aanka Maxkamadda ICJ ee soo baxaya 12-ka bishan oo Talaadada ku beegan.

Yeelkeede, sida uu qorayo The Star, Kenya ayaa u muuqata mid garowsatay in kiiskan looga badiyey, taasoo ahayd sababta ay uga baxday dacwaddii ugu dambaysey una soo saartay go’aankii shalaytoole.

Balse waxaa jira xal uu soo jeedinayo wargaysku. Wuxuu qiray in seddax-xagalkan ay ”farsamo ahaan ay Somalia leedahay” isla markaana Kenya ay samaysay dedaallo badan oo diblomaasi ah balse ay waxba dhiiqi waayeen, ha yeeshee, xitaa haddii Somalia loo xukumo balse ay Kenya diiddo aanu jiri doonin kambani caalami ah oo wax ka baari doona, waa sida uu ku doodayee.

Wuxuu wargayska The Star soo jeediyey, in wixii ka bilowda todobaadka soo aaddan oo dabcan bartamihiisa uu go’aanku soo bixi doono, ay Somalia iyo Kenya dib usoo celiyaan dedaalladii diblomaasiga ahaa si ”muranka loo xalliyo”, sida qoraalku u dhigan yahay.