”Madaxda Somalia waxay qurbaha uga yimaadaan inay dalkooda iibiyaan!” – Qoraal dheer oo lagu daabacay The Star

0

(Nairobi) 09 Okt 2021 – Warqaadka The Star ayaa maqaal dheer oo uu ka qoray arrinta muranka ay Kenya waddo wuxuu cinwaan uga dhigay ”Somalia xaq uma laha inay sheegato dhul-badeedka Kenya.”

Qoraalka oo sidii caadada ahayd in badan lagu qoray erayo abaal-sheegad ah oo woxoogaa laga badbadinayo ayaa sidoo kale si xun loogu bahdilayaa madaxda Soomaalida oo uu qoraalku xusayo inay yihiin daniistayaal bilaa damiir ah oo aan dadkooda u danqan.

”Markii ay dadka Soomaaliyeed ka qaxayeen dagaallada aan dhamaadka lahayn ee qabaa’ilka, waxay madaxdoodu fursad kasta u adeegsanayeen inay dalkooda ka iibiyaan qofkii u gaara qiimaha ugu sarreeya,” ayaa ka mid ah qoraalka The Star.

”Madaxdani waxay nolol raaxo ah ku haystaan magaalooyinka Yurub waxayna Somalia u yimaadaan oo qura inay bililiqaystaan oo dhacaan wax kasta oo u gacan geli kara kahor inta aanay dib ugu noqon magaalooyinkii ay ka yimaadeen.” ayuu raacinayaa qoraalka oo uu xarriiqay Washington Makodingo.

Qoraalka ayay ku sheegeen in Kenya ay 1979-kii iyo 2005 ay sheegatay in xad-badeedka labada dal uu noqdo qaab dhinac-roor ah oo la siman khadka loolka loo yaqaan.

”Somalia marna arrintaa kama gilgilanin ilaa ay madaxdoodu hurdo kasoo tooseen 2014-kii oo ahayd 35 sanadood kaddib.” ayuu qoraalku u dhigan yahay.

Qoraalka ayaa lagu soo afjaray in Kenya aanay marnaba ixtiraami doonin go’aan kasta oo kasoo baxa Maxkamadda ICJ oo uu qoruhu ku tilmaamay mid ”dhinac u buusan”,

Si kastaba waxay u muuqataa in ay ay Kenya muujinayso inaysan si sharci ah wax ku doonayn.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

 

Hadalsame Media