DF Somalia oo wefdi ballaaran u dirtay go’aanka Maxkamadda ICJ

0

(Muqdisho) 09 Okt 2021 – DF Somalia ayaa wefdi ballaaran u diraysa Maxkamadda ICJ ee ku taalla magaalada Hague.

Wefdigan oo lagu wado inay goobjoog u noqdo go’aanka ay Talaadada oo ku beegan 12-ka Oktoobar ridayso Maxkamadda ICJ ayaa waxaa horkacaya RW Xigeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta.

“Guul baan u rajaynayaa wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi M. Guuleed.” Ayuu soo qoray Cabdinuur oo ka tirsan Howlwadeenka Madaxtooyada oo qoraalka ku lifaaqay muuqaalka mid ka mid ah qarreennada difaacayey Somalia.

Kenya oo uu go’aankani khuseeyo ayaa si rasmi ah u sheegtay inaysan ixtiraami doonin go’aanka ICJ, iyadoo qaaddacday Dacwad-afeedkii ugu dambeeyey.

Hadalsame Media