Sucuudiga oo Somalia ka qaatay go’aan uusan gaarin muddo 30 sanadood ah

0

(Riyaad) 09 Okt 2021 – Boqortooyada Sucuudiga Carbeed ayaa Danjire rasmi ah u soo magacowday dalka Somalia.

Ninka lasoo magacaabay waaa Danjire Axmed bin Maxamed Al-Mawluud oo ah nin madow Sucuudiyaan ah.

Waxaa xusid mudan inuu noqon doono Danjirkii ugu horreeyey ee dalkaa Muqdisho u fariisan doona muddl 30 sanadood ah kaddib.

Ninkan oo uu Boqorka Sucuudigu ku dhaariyey habka fogaan-aragga ah, ayaa lagu soo wadaa inuu dalka yimaado.

Xiriirka Somalia iyo guud ahaanba dalalka Carbeed ayaa aalaaba ah mid inta badan ku dhisan ishaafalato iyo sida ay Galbeedku ka yeelaan Somalia.

Hadalsame Media