”Waxaa jira dal gadaal kasoo riixaya ee Somalia nama facaysan karto!” – Gabar weriye ah oo farta ku fiiqday dal ”Somalia taageersan”

0

(Nairobi) 09 Okt 2021 – Maxkamadda ICJ ee ku taalla magaalada Hague ayaa Talaadada oo ku beegan 12-ka Oktoobar ridaysa go’aanka cidda iska leh dhul-badeed seddax-xagal ah oo ay Kenya bilowday inay sheegato 2009-kii.

Arrintan ayaa muran iyo doodo diblomaasiyadeed ka dhex oogtey labada dal ee deriska ah oo ay awalba dhex taalley colaad ku saabsanayd gobolka Soomaalida ah ee Woqooyi Bari ama NFD, iyadoo ay Dowladda Kenya haatan caddaysay inaysan aqoonsan doonin go’aan kasta oo kasoo baxa ICJ, taasoo loo fasirtay inay qiyaasayaan in aysan gartii helin.

Haddaba, waxaa baraha bulshada ka socda doodo ay wadaan dadka Kenyan-ka ah oo raadinaya wax kasta oo ay qiil ku heli karaan sida amaanka, in gobolka oo idil uu arrintan oo kale isku qabsanayo, inay Somalia abaal u galeen, in meesha la qaybsado iwm.

”Somalia waxay u muuqataa mid geesinnimo badan leh haddiiba ay isku taagayso Kenya, waxaan dareensan ahay anigu in Somalia ay ka dambayso cudud ka wayn (90& Turki),” ayay soo qortay gabadha weriyaha ah ee Juma G.

”Marka ay kaneeco dagaal ula tagto maroodi, waa in uu maroodigu marka hore is waydiiyo sababta.” ayay raacisay iyada oo isu jawaabaysa.

Waxaa deeto ay dad badan oo Soomaali iyo Kenyan ihi halkii kasii ambaqaadeen dooddii iyadoo uu qofba meel ku dhuftay, halkaasoo ay dad Kenyan ihi soo jeediyeen inaan Somalia dagaal lala gelin.

Hadalsame Media