DAAWO: Dal Muslim ah oo Yurub ku yaalla oo cabsi ka qaba weerar lagu soo qaado (Tawaangi dul hoganaysa & waxa dhacay)

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2021 – Waxaa soo baxaya muuqaallo muujinaya tawaangida Ciidanka Serbia iyo dayuurado dagaal oo u socda dhanka xadka Kosovo oo ah gobol ka go’ay Serbia 2008-dii. Halkan ka DAAWO…

Xiisaddan ayaa la sheegayaa inay salka ku hayso kaddib markii ay dowladda Kosovo ee fadisa caasimadda Pristina, ay soo saartay amar lagu diidayo taargada gawaarida ee Serbia, iyadoo la dul dhigay amar ah inay si KMG ah u samaystaan taargo ay ku qoran tahay ‘Jamhuuriyadda Kosovo’ oo €5 euro joogta si ay halkaa u maraan.

Ciidamada NATO oo Kosovo jooga ayaa iyaguna ilaa shalay xoojinayey roondooyinka ay ka samaynayaan halkaasi gaar ahaan dhanka xadka, iyadoo la arkayey taangiyo iyo gawaari kale oo hoganaya xadka Kosovo-Serbia.

Kosovo ayaa ah Jamhuuriyad uusan caalamku intiisa badan aqoonsanayn, waloow ay reer Galbeedku inta badan aqoonsan yihiin. 97 ka mid 193 dal oo xubno rasmi ah ka ah QM ayaa aqoonsan.

Dadka Kosovo ku dhaqan oo asal ahaa Albania kasoo jeeda ayaa u badan Muslimiin diin ahaan, waxayna horay uga tirsanayeen Serbia oo iyaduna ka tirsanayd oo si buuxda u burburtay 2003-dii, xilligaa laftiisa oo ay horraanba jamhuuriyado badani ka go’een.

Hadalsame Media