RW Rooble oo markii ugu horreeysey si shakhsi ah uga hadlay khilaafka taagan & kiiska Ikraan

0

(Muqdisho) 28 Sebt 2021 – RW xil-gaarsiinta ah ee DF Somalia, Md Maxamed Xuseen Rooble, ayaa khudbad ka jeediyey doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland.

Raisul Wasaare Rooble ayaa soo hadal qaaday muranka siyaasadeed ee ka dhex aloosan isaga iyo MW Farmaajo iyo sababta uu ka dhashay oo ah Kiiska Ikraan.

“Khilaaf waa iska yimaadaa wax wayn ma ahan carrab iyo ilko ayaa iskugu dhaw waana is qaniinaan, balse wax wayn oo siyaasad ahaan la iskugu hayo majirto,” ayuu yiri Rooble oo shirka furayey.

“Ikraan Tahliil Cadaalad ayey heleysaa kuwii dhibka u geystay cadaalad ayaa marinayaa maanta ha ahaato ama beri ha ahaato,” Ayuu raaciyey.

“Waxaan u taaganahay Cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahlil Maxkamadda Milateriga ayaa loo xilsaaray, go’aankeeda ayaa sugeynaa.” Ayuu ballan qaaday.

Waa markii 1-aad ee uu Rooble si toos ah usoo hadal qaado khilaafka taagan.

Hadalsame Media