“Waxaa jirta xukuumad xil-gaarsiin ah, xilligii Baarlamankuna waa dhacay!” – Warqad rasmi ah oo soo baxday

0

(Muqdisho) 28 Sebt 2021 – Guddoonka Baarlamanka 10-aad, Maxamed Mursal Sheekh, ayaa warqad rasmi ah oo uu soo saaray ku caddeeyey in lasoo afjaray howshii Baarlamanka.

Wuxuu sidaa darteed sheegay inuu dib usoo celiyey wixii hindise sharci ahaa ee loosoo gudbiyey ee uga yimid dhanka xukuumadda.

Wuxuu taa u sababeeyey in xukuumad rasmi ihi aysan jirin oo midda uu RW Rooble hoggaamiyaa ay tahay xil-gaarsiin, isla markaana ay bilaabmayso doorashadii Xildhibaannada Aqalka Hoose ama Golaha Shacbiga 11-aad.

Hoos ka akhri warqadda….

Hadalsame Media