”Waxay noo aaddey jaamacad balse waxaa naloo keenay maydkeedii oo gubtey!” – Farxiya maanta ayay u dabaaldegi lahayd qalin-jebinteeda

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2021 – Farxiya Axmed waxay ka mid ahayd ardayda Jaamacadda Jaamacadda Daarusalaam oo ay ka qalin jebisey.

Farxiya ayaa sida dad kale oo aan waxba galabsan waxay ka mid ahayd dadkii ku dhintay qaraxii Imbaradooriyadda Ceel Gaabta, iyadoo xilligaas u socotey Tiyaatarka Qaranka oo ay xafladda qalin-jebinta ku qabsan lahaayeen.

Farxiya ayaa waxay ku dhex gubatey gaarigii ay saarnayd iyadoo aan helin fursad ay meesha uga baxdo, iyadoo uu awoowgeed sheegay in iyada oo jaamacad u aaddey loo keenay maydkeedii oo si xun u gubtey.

Farxiya ayuu qorshuhu ahaa in ay maanta oo Isniin ah saaxiibbadeed kula xafladayso gurashada mirihii ay muddada usoo halgamaysey, balse waxaa nolosheedii u qoonsaday mid aan aqoonin waxa uu isaga laftiisu u dhintay, waxa ay ka bi’isay iyo waxa uu ku diley toona.

Allaha u naxariisto iyada iyo intii kale ee halkaa ku dhimatay. Aamiin.

Hadalsame Media