MW Uganda oo wefdi usoo diray khilaafka Farmaajo & Rooble

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2021 – MW Uganda, Yoweri Museveni, oo beri dhowayd aad u saluugey khilaafka micne darrada ah ee anaaniga ah ee madaxda Somalia oo uu ku tilmaamay in “siyaasadda AIDS uga dhacay” ayaa u muuqda mid ergay soo diray.

Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Jen. Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wefdigan ayaa isla maanta lagu wadaa in ay kulamo gaar gaar ah la kala yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa xusid mudan in Jen. Muhoozi oo uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, oo uu yahay garabkiisa midig.

Imaanshihiisa maanta ayaana ku soo beegmaya xilli uu taagan yahay khilaaf doorashada lagu carqaladaynayo oo ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalsame Media