”Todobaad ayay qaadanaysaa in kaalimaha la buuxiyo!” – Dowladda UK oo ka fikiraysa inay ciidanka u yeerto + Sawirro

0

(London) 27 Sebt 2021 – Dowladda UK ayaa ka baaraandegeysa in ciidamada xoogga dalkaasi loo yeero si ay shidaal u gaarsiiyaan kaalimaha shidaalka ee maran dabayaaqada todobaadkan haddii ay sii socoto xaaladda taagan.

Jamciyadda Shidaalka Tafaariiqda ah ee Dalkaasi (PRA), oo maamusha 5,500 kaalin shidaal oo gaar ah, ayaa xaqiijiyey in 3 meelood oo 2 meelood uu shidaalku ka dhamaaday habeenkii xalaytoole.

Guddoonka Brian Madderson, ayaa sheegay inay todobaad qaadan doonto in kaalimaha dib loo cabbeeyo isagoo ka digey xasarad shidaal la’aaneed haddii ay baabuurleeydu sii wadaan cabsi iibsiga socda.

Wasiirka Gaadiidka UK, Grant Shapps, ayaa diidey inuu meesha ka saaro inay ciidanka xoogga u yeeraan si ay u kexeeyaan booyadaha shidaalka, isagoo sheegay inay ”dowladdu samayn doonto wax kasta oo daruuri ah.”

Dowladda oo aad ugu baahan darawallada gaadiidka waawayn ee cuntada iyo shidaalka qaada ee haysta laysinka HGV, ayaa sidoo kale adeegsan karta ciidamada shaqadaas oo kale qaban kara.

Camaaliqada shidaalka Britain ee BP ayaa iyaduna sheegtay in 3 meelood oo hal meel oo ka mid ah kaydkii shidaalkeedu uu dhamaaday, iyadoo ay UK la’dahay darawallo ku filan howlahan kaddib markii ay ka baxday EU isla markaana uu ugu darsamay cudurka Covid-19.

Halkan ka daawo sawirrada….

Hadalsame Media