Turkiga oo gaadiid kala duwan oo ay ku jiraan kuwa miinooyinka u gigsada Muqdisho ka dejiyey & nooca + Sawirro

0

(Muqdisho) 21 Sebt 2021 – Turkiga ayaa markale Muqdisho saaka ka dejiyey gaadiid kala duwan oo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman.

Gaadiidkan oo ay ku jiraan dhowr baabuur oo ah nooca aysan rasaastu karin oo ay wehliyaan beebbayaasha qafilan iyo gawaari waawayn ayaa loogu tala galay DF Somalia.

Gaadiidkan saaka la keenay ayaa waxaa ka mid ah kuwa gaashaaman ee ay samayso shirkadda Turkiga ah ee BMC Kirpi oo horay dhowr jeer Muqdisho uga degey.

16-kii Agoosto ayay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkigu ku wareejiyeen gaadiid ciidan oo iskugu jira 22 gaari oo ay 8 ka mid ihi yihiin nooca BMC Kirpi iyo 14 ah gawaarida waawayn ee ciidanka.

Turkiga ayaa sidoo kale 1-dii Sebt. 2020 wuxuu Muqdisho ka dejiyey 12 xabbo oo ah gaadiidka gaashaaman ee Kirpi waxayna ahayd markii 1-aad.

Turkiga oo ciidanka Somalia siiya tababar, saanad iyo agab ayaa sheegay inuu diyaarinayo ilaa 16,000 oo askari, waloow ay fursadaha dalka dilayso siyaasadaha cillanka ah ee danaha gaarka ah ku dhisan.

Hadalsame Media