”Igu qaado qaabkayga!” – Xaliima Aadan oo meel kale ka bus kicisay (Maxay qaban doontaa?)

0

(Istanbul) 21 Sebt 2021 – Kaddib markii ay si halhaleel ah mar qura uga baxday dunida xarragada, gabadha Soomaali Maraykanka ah ee Halima Aden oo ah moodal heer caalami ah ayaa dib usoo noqotay haatan, iyadoo sheegtay inay ku shaqaynayso si waafaqsan rabitaankeeda iyo dhaqankeeda.

Xaliima oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Istanbul, ayaa sheegtay inay haatan tahay danjiraha caalamiga ah ee moodalnimada aan astaxyada ka tegin ee Modanisa, halkaasoo ay ku naqshadayn doonto aruurisyo (collections) cusub oo dhar ah oo ay suuq gayn doonaan.

Xaliimo Aadan

Xaliimo ayaa saxaafadda u sheegtay inay ku faraxsan tahay aadna u xiisaynayso la shaqaynta hay’ad qiimaynaysa dhaqankeeda, iimaankeeda iyo haweenka Muslimka ah, taasoo ay ku tilmaantay mid ay tahay in lagu daro dunida xarragada.

Samim Surel, oo ah Guddoomiye Xigeenka Modanisa oo haatan 10-jirsatey, ayaa isaguna sheegay in jaalnimada cusub ee Xaliima ay tahay mid ku habboon damacooda ganacsi, wuxuuna xusay inuu doonayo in uu arko Istanbul oo noqotay caasimadda xarragada xishoodku ku laran yahay ee dunida, taasoo ay Xaliimo oo tamar iyo niyad haysaa ay ka caawinayso qorshayaashooda caalamka.

‘Igu qaado qaabkayga’

Xaliima ayaa bishii Nofeembar ee sanadkii tegey waxay baraha bulshada soo dhigtay dhowr qoraal oo ay ku sheegayso inay xiriirkii u jarayso dhowr hay’adood oo ah kuwa xarragada reer Galbeedka ugu caansan, kaddib markii ay sheegtay inay gorgortan geliyeen diinteeda.

Ina Aadan ayuu magaceedu soo shaac baxday 2016-kii oo lagu arkay Miss USA, waxaana halkaa heshiis kula gashay hay’adda xarragada ka shaqaysa ee caalamiga ah ee IMG.

Hadalsame Media