”Waa iskaashi amaan” – Turkiga oo sheegay inuu Somalia siinayo qalab ciidan oo dheeraad ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 01 Sebt 2020 – Turkiga oo maalin dhowayd Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejiyey 12 gaari oo ah nooca BMC Kirpi ayaa sheegay inuu sii wadayo caawinta Somalia dhinacyada amaanka iyo dhaqaalaha.

Gawaaridan gaashaaman oo ah nooca aadka ugu gigsada weerarrada ku dhufoo ka dhaqaaqda iyo miinooyin dhuleedka, ayay iminka aad ugu baahan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Somalia oo aan sidii la doonayey u dhisnayn una qalabaysnayn.

”Gawaaridan 12-ka ah ee KİRPİ ee miinada iska caabiya, waxay qayb ka yihiin iskaashi dhaqaale iyo mid ciidan oo ka dhexeeya Turkiga iyo Somalia,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Turkiga.

Waxaa gaadiidkan Kirpi ee ay samayso shirkadda Turkiga ah ee BMC, kasii horreeyey gawaari kale oo iyaguna ah nooca ku fiican jidadka rafka ah isla markaana afarta taayarba ka dhaqaaqa oo markii kuwan la keenayey maalin kahor lagu wareejiyey Ciidanka XD.

Turkiga ayaa beri dhowayd ballan qaaday inuu dhisayo isla markaana qalabaynayo 1/3 ka mid ah ciidamada Somalia, kuwaasoo uu ku qiyaasay ilaa 16,000 oo askari oo hab-raac, dishibiliin iyo karti leh.

Somalia ayaa waxaa la degey siyaasado aan micne iyo aragti ku dhisnayn oo ku wareegaya dan shakhsi, taasoo adkanaysa dhismaha hay’aadka dowladda oo ay ugu horreeyaan Ciidanka Qalabka Sida, iyadoo shaki lagu kala dhex tuuray umadda si loo ragaadiyo danaha guud ee umadda.

Hadalsame Media