Duullimaadkii Turkish Airlines ee saaka Muqdisho tegey oo soo maray khad cusub & dalalka uu dul maray

0

(Muqdisho) 18 Sebt 2021 – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka degtey duullimaadka dayuuradda Turkish Airlines oo duullimaad toos ah uga soo baxday magaalada Istanbul.

Dayuuraddan oo xalay kasoo duushay magaalada Istanbul oo sidoo kale ah xarunta dhexe ee raxanta Turkish Airlines ayaa ahayd nooca Yurub sameega ah ee Aırbus A330-203.

Yeelkeede, dayuuraddan ayaa ka weecatay dhabbihii dabiiciyan ay mari jirtey ee dalka Jabuuti iyadoo toos usoo abbaartay Muqdisho.

Waxay dayuuraddani Afrika kasoo ballaysay jihada woqooyi iyadoo soo dul martay Masar, Suudaan, kaddibna Itoobiya iyadoo deeto meel ku beegan Gobolka Bakool kasoo gashay hawada dalka Somalia ee caalamiga ah.

Dhanka kale, dayuuraddan ayaa la sheegayaa in aanu la socon Fahad Yaasiin oo ahaa qofka uu dartii u laabtay duullimaadkii shalay Muqdisho tegi lahaa.

Hadalsame Media