Nin Soomaali ah oo lagu qabtay lacag aad u fara badan oo uu la dhoofayey (Magaciisa & dembiyo kale oo loo haysto)

0

(Valleta) 18 Sebt 2021 – Nin ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Malta ayaa lagu qabtay lacag fara badan oo gaaraysa €160,000 oo euro oo aanu cidna u sheegin mar uu marayey garoonka dayuuradaha.

Ninkan oo la yiraahdo Ali Muuse Igaale, 40-jir, ayaa lagu xirey Corradino Correctional Facility oo uu ku xiran yahay tan iyo markii la qabtay 22-kii Agoosto, isagoo kusii jeedey Istanbul.

Ninkan ayaa watey €160,000 oo euro oo ah kaash aad uga badan xadka la isu ogol yahay oo ah €10,000 oo euro.

Ninkan oo lagu sheegay nin aamin ah ayaa 8 sanadood ku noolaa dalka Malta, isagoo timo jare iyo meel dharka lagu iibiyo ku leh Ħamrun.

Ninkan ayaa haatan loo diidey codsi uu ku doonayey in damaanad lagu sii daayo kaddib markii uu ka dhaartay inuu bixiyo cinwaanka degaankiisa iyo ganacsigiisa.

Ninkan ayaa lagu haystaa dembi uu ugu wayn yahay lacag dhaqid, inuu canshuur la gooyey iyo in aanu dakhligiisa shaacin min 2018 ilaa 2020, iyadoo aan wax raad ah laga haynin lacagta lagu qabtay.

Hadalsame Media

Facebook Comments