DAAWO: Ruushka oo sameeyey dhoollatus uu ugu magac daray ”Galbeed” & dalal kala qayb galay

0

(Moscow) 18 Sebt 2021 – Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa soo bandhigtay dhoollatus istaraatiji ah oo ay ugu magac dartay Zapad 2021 kaasoo oo ay ka qayb galeen dalalka Ruushka iyo Belarus, iyadoo lagu soo bandhigo ilaa 9 nooc oo dhoollatus ah.

Zapad – oo af Ruushka ku noqonaysa ‘Galbeed’ – ayay labadan dal oo dad ahaan isku mid ihi waxay qabtaan afartii sanadoodba mar.

Waxaana sanadkan kasoo qayb galay ilaa 800 oo gaadiid dagaal ah iyo 200,000 oo askari oo ay ku jiraan ilaa 2,000 oo ay soo dirsadeen dalal ay ka mid yihiin India, Kazakhstan, Kyrgyzstan, iyo Mongolia.

Dhoollatuskan ayaa qaab jilliin oo kale ah waxaa loogu burburiyey dhufaysyo iyo qalab ay leeyihiin cadow la maamiyey.

 

Hadalsame Media