Berbatov oo kashifay ”is qoonsi” durba ka dhex taagan qolka lebbiska Man United (Arrin uu ku eedeeyey kooxdiisii hore)

0

(Manchester) 17 Sebt 2021 – Qannaaskii Dimitar Berbatov ayaa Manchester United ku eedeeyey inay laacibiin badan u iibsadaan oo qura si ay u qanciyaan taageerayaashooda.

Laacibkan oo Man U u saftay 108 kulan una dhaliyey 49 gool muddo 5 fasal-ciyaareed ah oo ku sugnaa Old Trafford, ayaa tusaale nool u soo qaatay laacibka Van de Beek oo uu sheegay inuu maanta jeclaan lahaa inuu iskaga cararo kooxdaasi si uu u badbaadiyo aayihiisa ciyaareed.

Laacibkan ayaa safka hore ahaa kulankii ay United ka badiyeen Young Boys balse waa la bixiyey gelintii dambe.

”Haddii uu safka hore yahay waa bedelayaan haddii uu kayd ku bilowdana 10 daqiiqo ayaa lasoo gelinayaa, marna lama siiyo fursad uu isku muujiyo.” ayuu ku dooday Dimitar oo sheegay in lacag badan lagu khasiray laacibkaasi.

Wuxuu intaa raaciyey in Man United aysan xitaa haatan u baahnayn Cristiano Ronaldo oo uu sheegay inuu khilaaf ka abuurayo qolka lebbiska isagoo yiri: “Cavani ma faraxsana“. 

“Cavani sanadkiisii 1-aad ayuu si wanaagsan kooxdiisa ugu ciyaaray, haatan se lambarkiisii iyo booskiisiiba waxaa qaatay Ronaldo. Waxaan rajaynayaa inuu si wanaagsan wax uga dhaadhiciyey Solskjaer waayo xaaladdan oo kale laacibna uma roona.” ayuu ku dooday Berbatov.

Hadalsame Media