Ciidamada Komaandooska Somalia & Azerbaijan oo hal meel ku tababarta + Sawirro

0

(Hadalsame) 17 Sebt 2021 – Turkiga ayaa haatan ah dalka kaalinta 1-aad uga jira dalalka Muslimka oo idil marka la eego dhanka mugga wax soo saarka, tiknolojiyadda & xitaa cududda ciidan oo uu yahay dalka 2-aad ee ugu ciidan ballaaran Gaashaanbuurta NATO.

Wuxuu muddaba wadaa tababarka ciidamo kala duwan oo uu kasoo kala qaado dalal badan oo Muslim ah oo ay ugu horreeyso Somalia.

Waxaa ciidankaasi ka mid ah kuwa Azerbaijan oo beri dhowayd cashar u dhigay kuwa Armenia oo 30 sanadood xoog uga haystey 20% ka mid ah dalkooda oo ay haatan inta badan ka xoraysteen.

Ciidanka Azerbaijan iyo kuwa Somalia ayaa ku wada tababarta Xarunta Tababarka Dhexe ee Isparta oo lagu diyaariyo ciidamada gaarka ah iyo komaandooska, iyadoo deeto loo kala diro dalalkooda.

Hadalsame Media