”Fadlan sii daa!” – Siyaasi farta ku fiiqay cidda lagu tuhmayo afduubka Cabdiwahaab Cabdisamad

0
Aerial view over Nairobi, Kenya, East Africa, Africa

(Nairobi) 18 Sebt 2021 – Aqoonyahanka Cabdiwahaab Cabdisamad oo la sheegay in 8-dii bishan Sebtembar gaari lagu ritey isagoo marayey bartamaha Nairobi ayaa war cusubi kasoo kordhay cidda lagu tuhmayo.

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa si dadban farta ku godey MW Kenya Ahuru Kenyatta oo uu u jeediyey inuu arrintan wax ka bedelo.

Faarax ayaa sheegay in Dr Abdiwahab ay kaxaysteen saraakiisha amaanku, isagoo Kenyatta ugu baaqay in maadaama uu laftiisu yahay ”aabbe, oday qoys iyo sidoo kale wiilka waalid gabow ah uu u naxo Cabdiwahaab oo ay qoyskiisu u barooranayaan.”

”Arrintu adiga ayay kula taallaaye fadlan amar in la sii daayo.” ayuu soo jeediyey siyaasiga Faarax Macallin.

Si kastaba, xaaska ninka maqan oo la yiraahdo Xaliimo Maxamed iyo Walaashii Faa’iso Sheekh ayaa afduubkiisa si la yaab leh ugu eedeeyey RW Somalia, Md Rooble, xilli uu 4 maalmood sii maqnaa.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments