”Waxaan moodey inaan dhintay!” – Gabadhii uu Ronie kubbada ku dhuftay oo hadashay & haddiyad la siiyey (Daawo)

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2021 – Nidaamiyiii amaan ee uu kubadda xooggan ku dhuftay Cristiano Ronaldo ayaa ka hadashay shilkan oo argagax geliyey, kaddib markii uu laacibka Manchester United uu gabadhan siiyey funaanaddiisa lambar 7.

Marisa Nobile ayaa ka mid ahayd nidaamiyeyaasha rayidka ah ee ciyaartii Champions League ee ay Young Boys oo reer Switzerland ihi Talaadadii uga badisay Man U, kaddib markii kubaddani ku dhacday.

Xilli ay United is kululaynaysey iyadoo ku sugan garoonka Wankdorf Stadium, ayuu Ronaldo wuxuu shabaqa dul mariyey kubbad ku habsatey madaxa Nobile, oo dhanka kale eegaysey kubaddana aan u jeedin.

Gabadha ayaa deeto dhulka ku dhacday iyadoo ay usoo gurmadeen asxaabtii kale ee shaqo wadaagga ahayd. Waxaa sidoo kale u yimid Ronaldo oo laftiisu walaacsanaa.

Markiiba dhulka ayaan ku dhacay. Kaddib waxaan arkay Ronaldo oo i dul taagan oo leh ”ma fiican tahay”, saan is iri malaa waad dhiman gaartey. ayay Nobile ku tiri saxaafadda dalkaasi.

Hadalsame Media