”Dhabarka ayaad naga toogateen!” – Heshiis mar qura isku diray Faransiiska, Maraykanka & Shiinaha oo dhacay!

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2021 – Australia ayaa go’aansaray in ay Maraykanka la gasho qandaraas loogu dhisayo gujisyo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka, iyadoo xoortay heshiis kale oo ay Faransiiska u saxiixday si uu ugu sameeyo gujisyo nafto iyo koronto ku shaqeeya, sida uu sheegay RW Scott Morrison.

Dalalka Maraykanka, UK iyo Australia ayaa wada galay heshiis iskaashi amaan ah oo cusub taasoo keentay in Australia ay Faransiiska ku wargeliso inay ka baxday heshiis ay la gashay shirkad ay inta badan leedahay dowladda Faransiiska oo la yiraahdo Naval Group oo u dhisi lahayd 12 gujis oo ah kuwa aan nukliyeerka xambaarin ee dunida ugu waawayn, taasoo ay Australia ku bixin lahayd $1.8 bilyan oo doollar.

Faransiiska ayaa qandaraaskan ku guulaystey 2016-kii, iyadoo uu RW Morrison ku dooday in tiknolojiyadda gujisyada ku shaqeeya tamarta nukliyeerka aan horay loogu ogolayn Australia markii ay Faransiiska la heshiinaysey 2016-kii, iyadoo dalka qura ee farsamadaa Maraykanka ka faa’iidaysta uu yahay dalka UK oo galaangalkan loo fasaxay 1958-kii.

Morrison ayaa sheegay inuu Juun bilaabay inuu MW Emanuel Macron dareensiiyo in aanay hubin in gujisyo caadi ihi ay ku ”fillaan karaan baahida amaanka istaraatijiga ah” ee Australia ee Gobolka xasaradaysan ee Indo-Pacific.

‘Dhabarka ayaad naga dooxdeen’

Wasiir Dibadeedka Faransiiska, Jean-Yves Le Drian, ayaa sheegay in aanu “gebi ahaanba garan karin” tillaabadan ay qaadeen Australia iyo Maraykanka oo uu ku tilmaamay “middi dhabarka laga geliyey oo dilaysa kalsoonidii ay dhisayeen.”

“Runtii waan caraysnahay maanta. Sidani ma aha wax ay isku sameeyaan dad xulufo ah. Waxaannu labada dalba ka dhowraynaa sharraxaad.” ayuu yiri Le Drian.

Shiinaha oo cambaareeyey heshiiskan

Beijing oo ah cidda ay Australia u hub urursanayso, ayaa iyaduna cambaaraysey isbahaysigan cusub ee Maraykanka, Australia iyo Britain, iyagoo gujisyada loo diyaarinayo Australia ku sheegay “kuwo aan mas’uuliyadi ka dambayn oo halis ku ah xasilloonida gobolka Badda Deggan”, sida uu sheegay afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Shiinaha, Zhao Lijian, oo warbaahinta xog siiyey.

Hadalsame Media