DEG DEG: MW Farmaajo oo sheegay inuu ”laalay” awoodihii RW Rooble (War Saxaafadeed)

0
epa08991271 Somalia president Mohamed Abdullahi Farmaajo speaks in parliament in Mogadishu, Somalia, 06 February 2021. An impasse continues between Somalia's divided political leaders on how to proceed with elections. Days of negotiations between the central government and federal states have not resulted in a solution when the president's mandate expires 08 February sparking fears of instability. EPA-EFE/SAID YUSUF WARSAME

(Muqdisho) 16 Sebt 2021 – War kasoo baxay Xafiiska MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in la laalay awoodihii Wasiirka Koowaad ee dalka ee dhanka fulinta sida magacaabista & xil ka qaaditsa.

”Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble sida ku cad Qodobka 87aad, Xarfaha (b) iyo (c) iyo Qodobka 90aad, Xarfaha (b), (c) iyo (e).” ayaa lagu bilaabay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

”Markii uu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas;

”Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni;

”Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood;

”Markuu xaqiiqsaday in Ra’iisul Wasaaraha latashi iyo wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isaga oo ku dhaqaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan;

Maadaama Madaxweynuhu yahay Astaanta midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.” ayuu daba dhigay.

Madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan;

1. Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban.

2. Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.

3. Maadaama ay dhammeystirmeen dhismaha guddiyada doorashooyinka ee Heer Federal (FEIT) iyo kuwa heer Dowld Goboleed (SEIT), Xallinta Khilaafaadka, si buuxdana loogu heshiiyay habraacyada, miisaaniyadda, qorshaha amniga doorashada iyo dhammaan waxyaabihii ay ku xirnayd qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii lagu xalliyay tabashooyinkii kasoo laabtay 27ka May 2021, lana guda galay doorashooyinka Labada Aqal.

”Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doorashooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwalka Doorashooyinka ee la faafiyay.” ayaa lagu soo afjaray war saxaafadeedka.

Arrintan ayaa noqonaysa tillaabadii ugu adkayd ee uu qaado MW Farmaajo oo horay ugu muuqdey mid u raad gadaya dadka ku eedaysan dilka Ikraan Tahliil oo ah kiis halkii laga xallin lahaa sidaa darteed iskugu rogey xasarad siyaasadeed oo xasaasi ah kaddib markii uu bilowday ficiltan ka dhexeeya isaga iyo RW Rooble, iyadoo ay dad waxgarad ihi soo jeediyeen in sidani ay dalka gelinayso qalaanqal aan xilligan loo baahnayn.

Hadalsame Media