DAAWO: Daalibaan oo helay gantaalo baalistig ah oo ay ku jiraan Iskaad riddada dhexe ah

0

(Kabul) 16 Sebt 2021 – Kooxda Daalibaanka ayaa helay dhowr gantaal oo ah kuwii hore ee baalistigga ahaa ee uu sameeyey Soofiyeetku oo ku qarsanaa Dooxaha Panjshir Valley xilli ay hubinayeen amaanka gobolkan oo ay dhowaan la wareegeen.

Yeelkeede, gantaalaha ayaa ku sugan xaalad aanay shaqayn karin. Gantaalahan ayaa laga helay daanta webiga Panjshir, sida ka muuqata sawirro laga soo qaaday, iyagoo halkaa todobaadkii tegey uun la wareegey.

Gantaalahan ayaa gaaraya ilaa 10 xabbo oo ah nooca Luna-M (NATO waxay ku diiwaan gelisaa FROG-7) waana riddada gaaban iyo 10 kale oo ah R-17 Elbrus (NATO waxay u taqaan Scud B) waana gantaallo baalistig ah oo riddada dhexe ah.

Hubkan ayaa sida muuqata meeshaa lagu kaydiyey mar hore, iyadoo muuqaalka laga arki karo dhanka dayax-gacmeedka. Rasaasta gantaalahan ayaa si daran u duugoowdey oo u boloshay, halka ay rinji dhaceen gantaaluhu.

Hadalsame Media