(Jigjiga) 16 Sebt 2021 – Dagaallada qoowmiga ah ee ka soconaya Itoobiya ayaa wejiyo kala geddisan yeelanaya haatan.
Waxa haatan lasoo sheegayaa in shaqaaqo gacan ka hadal ihi ku dhex martay Jaamacadda Jigjiga, ardayda dhigata ee ka soo jeeda qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada.
Ciidanka Booliska maxalliga ah ayaa sheegay in aan wax khasaare ah oo weyni dhicin isla markaana ay soo qabqabteen ilaa 46 arday welina ay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dheceen.
Taliye Xigeenka Booliska Gobolka Soomaalida, Cali Cabdi Jaabar, ayaa BBC u sheegay in aan dhibaato wayni dhicin, balse siyaasad darteed lagu murmay oo la isku maagay.
Hadalsame Media