Dalka Pakistan oo ”ceeb wayn” kala kulmay weerar ballaaran oo cirka ah oo uu ku qaaday Hindiya (Qorshihii la dejiyey & sida xaal noqday)

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2021 – Sanadkii 1965-kii, militariga Pakistan waxay ku fashilmeen weerar qorsheysan oo ay ku damacsanaayeen inay ku burburiyaan dhowr ka mid ah saldhigyada ciidamada cirka ee ku yaalla gudaha Hindiya.

Faro galinta Ciidamada Militariga Pakistan ay ku sameeyay Hindiya 6-dii iyo 7-dii bishii September ee sanadkii 1965-kii, uma dhicin sidii loogu talo galay.

Diyaarad kuwa dagaalka ah oo nooceedu yahay B-57 oo ay leedahay Pakistan ayaa u baxday si ay usoo duqeyso bartilmaameedyo ku yaalla Hindiya. Saddex diyaaradood oo kuwa ciidamada qaada ah, oo noocoodu ahaa C-130 ayaa ka daba baxay, waxayna sidoo kale ku wajahnaayeen xadka Hindiya.

Mid walba oo ka mid ah saddexda diyaaradood waxaa saarnaa 66 askari oo kumaandooska Pakistan ah.

Ujeeddadoodu waxa ay ahayd inay xilli habeennimo ah oo aan la arki karin mugdiga awgiis ku dagaan meelo u dhow saddex saldhig oo ay leeyihiin ciidamada cirka Hindiya, oo kala ah Halwara, Adampur iyo Pathankot. Marka ay dagaanna waxa uu qorshuhu ahaa inay saddexdaas saldhig weeraraan ayna burburiyaan diyaaradaha Hindiya ee halkaas yaalla.

Markii la gaaray 2-dii habeenimo, saq dhexe kaddib, 60 ka mid ah kumaandooska Pakistan, oo uu hoggaaminayay Major Khalid Butt, ayaa ku dagay meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Pathankot. Balse caqabado badan ayay durbadiiba wajaheen.

Dhaqdhaqaaqooda waxaa hor istaagayay godad ka qodnaa garoonka hereerihiisa iyo dhulka oo dhiibo ahaa.

Saddex saacadood gudahoodba, waxaa baryay waagii, qof ka mid ah dadka tuulada oo arkayay dhaqdhaqaaqooda ayaana wargeliyay taliskii ciidanka ee ku sugnaa saldhigga Pathankot.

Cararkii ciidanka kumaandooska

Diyaarado dagaal

XIGASHADA SAWIRKA,DEFENCE.PK

Qiyaastii 200 oo qof ayaa islamarkiiba kusoo yaacay. Inta badan ciidankii kumaandooska ahaa waa la qabqabtay labadii maalmood ee xigtay gudahooda.

Labo maalmood kaddib, Major Kahlid Butt, oo hoggaaminayay askarta reer Pakistan, ayaa gacanta lagu dhigay.

Dhanka kale, ciidankii loo diray saldhigga Halwara waxaa si toos ah loo arkayay marka ay diyaaradda ka boodayeen, inkastoo xilli habeen ah ay ahayd.

Sarkaalkii sugayay amniga saldhigga ayaa qoryo iyo bastoolado u qeybiyay dhammaan ciidankii cirka ee halkaas ku sugnaa, waxa uuna amar ku siiyay in aysan ka labolabeynin toogashada haddii ay dareemaan wax dhaqdhaqaaq ah oo ka socda garoonka agtiisa.

Qaar ka mid ah ciidankii Pakistan intii aysan howlgalkooda fulinin waxaa loo qabtay maxaabiis dagaal ahaan.

Buugga John Fricker ee lagu magacaabo 'Battle for Pakistan'

Hase yeeshee, John Fricker ayaa buug uu ka qoray dhacdadaas, oo uu ku magacaabay “‘Battle for Pakistan” waxa uu ku sheegay in mid ka mid ah taliyeyaashii kumaandooska Pakistan uu afduubtay gaari Jeep ah oo laga lahaa Hindiya, uuna u baxsaday dhinaca Pakistan isagoo uu la socday mid ka mid ah askartiisii.

Qeylada eeyaha oo la maqlay

Ciidankii ku wajahnaa saldhigga saddexaad ee Adanpur isla xaaladdaasoo kale ayaa qabsatay, oo kuma aysan guuleysanin howlgalkii.

Hawada waxay kasoo daateen iyagoo aan la arkeynin, balse waxaa sirtooda fashilay qeylada eeyaha.

Sawir laga qaaday garoonka ciidamada cirka ee Pathankot intii uu socday dagaalkii Hindiya iyo Pakistan ee 1965

Qoraalka sawirka, sawir laga qaaday garoonka ciidamada cirka ee Pathankot intii uu socday dagaalkii Hindiya iyo Pakistan ee 1965

Islamarkii ay qorraxda soo baxday, waxay isku qariyeen beeraha galleyda. Laakiin waxaa arkay dhallinyarada NCC oo ka yimid Ludhiana. Qaar ka mid ah ciidankii dallaayadaha ku boodayay waxaa isla goobtaas ku dilay dadkii tuulada.

Askartii isku darka tiradooda ay ka badneyd 180 ee la socday saddexda diyaaradood, waxaa laga qabtay 138 ka mid ah, 22 kalena waa la dilay. Waxay ku dhinteen isku dhacyadii dadka deegaanka, militariga ama booliska.

Ku dhawaad 20 ayay u suurtagashay in ay si nabad ah ugu laabtaan Pakistan.

Kuwa badbaaday intooda badan waxay ahaayeen askartii ku degtay saldhigga Pathankot, sababtoo ah waxa uu 10 meyl oo kaliya u jiray xuduudda Pakistan.

Buugaagta ay qoreen PV S Jaganmohan iyo Sameer Chopra

Qorayaasha kala ah PV S Jaganmohan iyo Sameer Chopra ayaa buug ay ka qoreen dagaalkaas Hindiya iyo Pakistan dhex maray 1965-kii waxa ay ku sheegeen in 60 askari oo kumaandoos ah ay yihiin ciidan xoog leh haddii aysan dadka shacabka ah ku baraarugin.

Pakistan ayaa sidoo kale ciidamada dallaayadaha ku booda u dirtay magaalooyinka Guwahati iyo Shillong ee ku yaalla Hindiya, balse waxaa dhammaantood gacanta lagu dhigay iyagoo aan wax dhibaato ah geysanin.

Dhacdooyinkaas ayaa labada waddanba ka abuuray xaalado aad u qallafsan, halka cadaawaddoodana ay sii xoogeysaneysay.

Rasaastii ay isku fureen ciidanka dhexdooda

Dhacdo ka sii layaab badan kuwaas ayaa ka dhacday gudaha Pakistan. Waxaa soo baxay war sheegayay in ciidamo kumaandoos ah oo ka socday Hindiya ay ku wajahnaayeen garoonka ciidanka cirka Pakistan ee Sargodha.

In the 1965 war, Flight Lieutenant Pathania shot down Pakistan's first Saber jet.

Qoraalka sawirka, Labo xiddigle Pathania

Taliska ciidanka cirka ee Pakistan ayaa durbadiiba garoonkaas diray diyaarad nooceedu yahay C-130 oo ay ka buuxaan askar, si ay u difaacaan.

Markii ay diyaaraddii la diray xilli mugdi ah ku dagtay saldhigga Sargodha, ciidankii kumaandooska ahaana ay billaabeen inay kasoo dagaan, waxay ciidankii meesha sii joogay u maleeyeen in kuwa yimid ay yihiin kumaandooska Hindiya, rasaas ayayna isku fureen labadii dhinac.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay rasaastaas ay isku rideen ciidanka Pakistan dhexdooda, kaddib markii ay isku khaldameen.

Hindiya iyo Pakistan oo ah labo dal oo ku hubeysan nuclear ayaa wadaaga cadaawad muddo dheer soo taagneyd, murankooda ugu weynna waxa uu ku saabsan yahay gobolka Kashmir oo labada dalba ay sheegtaan.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media