“Dab bay ku ciyaarayaan!” – Kooxda ICG oo beesha caalamka ugu baaqday inay tillaabo qaadaan haddii khilaafku….

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2021 – Warbixin kasoo baxday kooxda ICG ayaa lagu canaantay siyaasiyiinta Soomaalida oo lagu eedeeyey “inay dab ku ciyaarayaan.”

ICG ayaa qoraalka ku xustay in uu haatan taagan yahay khilaaf abuuray jawi xasaasi ah oo siyaasadeed oo ka dhashay “dilka la bixin la’yahay” ee Ikraan oo keenay in xilkii laga xayiro Agaasinkii NISA, Fahad Yaasiin.

“Waxaa isku dhac ku sigtay ciidamo kala taabacsan Farmaajo iyo Rooble 8-dii Sebtembar, waloow ay markii dambe dib u bexeen kuwa Farmaajo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dhinacyada oo dhami waxay u baahan yihiin inay xaalka dejiyaan, beesha caalankuna waa inay shaacisaa qaswadayaasha oo ay cunaqabatayn ugu hanjabtaa kuwa sii wada hab-dhaqan wax qasaya.” Ayaa la daba dhigay qoraalka ICG.

Qoraalka ayay ku faahfaahiyeen guud ahaan sida ay wax u socdaan ee ay mas’uuliyaddu ka maran tahay oo ay sheegeen inay dalka qalalaase wayn gelin karto haddii ay sidan isula sii xafiiltamaan MW iyo RW.

Hadalsame Media