”Somalia oo hal meel uga hormartay Afrikaanka kale oo idil” – African Business

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2021 – Waxaa Muqdisho in ATM rasmi ah laga sameeyo ugu horreeysey 2014-kii, balse dhaqaalaha Somalia gaar ahaan dhanka wax is dhaafsiga lacageed ayaa u muuqda mid ku dhowaad gebi ahaanba dhijitaal ah, iyadoo ay Somalia dunida barayso sida loo noqdo bulsho bilaa kaash ah, sida ku dhigan maqaal dheer oo uu Axmed Maxamed ku qoray African Business.

Bankiga Dhexe ee Somalia ayaa dhowaan bishii Agoosto hirgeliyey hab dhexe oo lacagta loo bixiyo, kaasoo isku xiraya ilaa 13 hay’adood oo amaahda bixiya, taasoo sahlaysa in ay dadku si sahlan wax isu dhaafsadaan oo lacagaha u kala qaataan.

Waxaa haatan habka mobile money mara 3 meelood oo 2 meel ka mid ah lacagaha la isu diro, iyadoo ay dunidu dhankaa usii socoto gaar ahaan xilligan lagu jiro cudurka faafaya ee Covid-19.

Norway ayaa ah dalka kaalinta 1-aad dunida uga jira dhanka wax is dhaafsiga kaash la’aanta ah, iyadoo ay 4% oo qur ihi dadku lacag gacanta ku qabtaan, sida uu sheegay bankiga dalkaasi ee Norges Bank.

Waloow ay jiraan qiimayn kale oo 1-aad gelinaysa Canada, kaalinta 2-aadna Sweden, balse Somalia waxay ugu yaraan ugu horreeysaa Afrika, sida maqaalka ku xusan.

Halkan kasii akhri maqaalka…

Hadalsame Media

Facebook Comments