”Meelaha aan Imaaraadka iskula dhacnay Somalia ayaa ka mid ah!” – Saxaafadda Turkiga oo qortay madaxdii ugu heerka sarreeysey oo Qadar & Turki ah oo Imaaraadka tegaysa

0

(Ankara) 14 Sebt 2021 – Madaxda tamarta ee dalalka Turkey iyo Qadar ayaa dabayaaqada bishan shirwayne dhanka tamarta ah uga qayb gelaya magaalada Dubai xilli ay labada dalba ay beryahan wanaajinayaan xiriirka ay la leeyihiin Imaaraadka oo is yara debciyey, sida uu qoray Daily Sabah.

Wasiir Xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo shirwaynaha Gastech Conference ee ku qabsoomaya Dubai World Trade Centre.

Halka Saad Al Kaabi, Wasiirka Tamarta ee Qadar, uu isna kulankaa kasoo qaybgeli doono, sida ay shirkadda shirka agaasimaysaa ay u sheegtay Bloomberg.

Xiisaddii ka dhex aloosnayd Ankara iyo Abu Dhabi ayaa xadishay kaddib markii ay sanad ka badan isku hayeen arrimo gobolka ah, waxaana ka mid ahaa dagaalka Libya oo ay laba dhinac kala taageerayeen, iyadoo ay xitaa Turkigu ku eedeeyeen inay Imaaraadku qalaanqal ka wadaan Bariga Dhexe iyo inay xiriirka xitaa u jari karaan.

Turkey ayaa sidoo kale Qadar u hiilliyey markii ay go’doomiyeen afarta dal ee UAE, Saudi Arabia iyo Egypt, halka Somalia, ay Turkey iyo Imaaraadku ku coltameen inay halkaa saamayn ku yeeshaan, isagoo sidoo kale Syria uga horjeestey.

Bishii hore ee Agoosto ayay hoggaamiyeyaasha labada dal waxay markii ugu horreeysey telefoonka ku wada hadleen iyagoo isla ogolaaday in xiriirka la wanaajiyo, kaddib markii uu halkaa booqday la taliyaha amaanka qaranka Imaaraadka ee Sheikh Tahnoun bin Zayed Al Nahyan, kaasoo deeto booqday Qadar.

Qadar oo ay Imaaraadka xiriirkii soo ceshadeen bishii Jannaayo sida 3-dii dal ee kale oo go’doomiyey, ayaa booqashada wasiirku noqonaysaa tii ugu heerka sarreeysey tan iyo go’doomintii.

Hadalsame Media