Xaaladaha xasaasiga ah ee uu lugaha la galay Kiiska Ikraan Tahliil

0

(Muqdisho) 14 Sebt 2021 – Waxaa jiray dhowr kiis oo kiciyay hadal heynta shacabka Soomaalida, kuwaasoo ahaa heer siyaasadeed, balse kiiska Ikraan Tahliil waxa uu dhowr qodob uga duwan yahay kuwii kale.

Ikraan oo ka tirsaneyd saraakiisha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la waayay 26-kii bishii June, ilaa haddana raqiyo ruuxba meel laguma sheego, inkastoo hay’adaha amniga qaarkood ay shaaciyeen in la dilay.

Markii ugu horreysay ayuu madaxweyne Farmaajo xalay soo hadal qaaday arrinta ku saabsan Ikraan Tahliil oo abuurtay xiisadda u dhaxeysa isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo siyaabo kala duwan looga fal celiyay warqadda uu kasoo saaray kiiska, oo uu ku sheegay inuu u xil saaray guddi baara.

Muxuu uga duwan yahay kiisaskii hore?

Waxyaabaha si guud uu kiiska Ikraan gaar ula yahay waxaa ka mid ah in uu ka hadlay madaxweyne Farmaajo oo looga bartay inuusan soo hadal qaadin arrimaha lagu dhaliilo dowladda.

Sidoo kale markii ugu horreysay al-shabaab ayaa iska fogeysay in ay ku lug leedahay dilka Ikraan, iyadoo horay loogu yaqaannay inay ku faanaan waxyeelleynta saraakiisha dowladda.

Marka taas laga soo tago, waxaa jira afar arrimood oo khaas u ah kiiskan, kana dhigaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah, guud ahaan Soomaaliya.

1- Khilaaf siyaasadeed

.

XIGASHADA SAWIRKA,OPM

Kiiska Ikraan Tahliil waxa uu khilaaf siyaasadeed ka dhex abuuray madaxda ugu sarreysa dowladda, waxaana waddanka uu lugaha la galay xiisad cabsi badan gelisay shacabka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si shaac baxsan oo toos ah isugu qabtay arrimaha ku biyo shubanaya kiiskan, sida uu BBC-da u sheegay Mursal Maxamed Saneey, oo ka tirsan macadka Heritage.

“Waa hal kiis oo isku wada xiran. Qof walba oo caqli leh, oo arrimaha Soomaaliya la socdana wuu garan karaa meesha ay wax ka khaldan yihiin. Haddii uusan jiri lahayn Kiiska Ikraan lama taaban lahayn taliyeyaasha, lagamana wada hadli lahayn amniga dalka, sidii uu u socday ayuuna u socon lahaa,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Saney intaas sii raaciyay: “Ikraan kiiskeeda waa mid weyn oo Soomaalida meel kasta oo ay joogto ay ku baraarugeen, caalamkana laga ogaaday, waxaana isha lagu hayaa sida loo maareeyo.”

Horay uma dhici jirin in arrin ku saabsan qof ka tirsanaa shaqaalaha dowladda ay abuurto ismaandhaaf soo kala dhex gala madaxda hoggaanka u haya dalka.

Soomaaliya waa ka dhaceen kiisas kiciyay dareenka dadweynaha ama dhaliyay xiisado siyaasadeed, sida kiiskii ku saabsanaa Qalbi Dhagax oo loo dhiibay Itoobiya, Wasiirkii dhallinyarada ahaa ee la dilay, Cabaas Cabdullaahi Siraaji, iyo askar Soomaali ah oo la sheegay in la geeyay Eretariya.

Laakiin kama dhalanin khilaaf ay ku kala irdhoobeen mas’uuliyiinta dowladda.

2- Madax xilal ku weysay

Fahad Yaasiin

Sawirka Fahad Yaasiin

Ilaa hadda, kiiska Ikraan waxa uu sababay in ay shaqada waayaan labo ka mid ah saraakiishii ugu sarreysay dowladda, gaar ahaan laamaha amniga, inkastoo xil ka qaadistooda ay abuurtay muran.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shaqada ka fariisiyay agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasoo u muuqda inuu xilkiisa ku waayay kiiska Ikraan Tahliil awgiis.

Sidoo kale waxa uu Rooble xilka ka qaaday wasiirkii Amniga Gudaha, Xasan Xundubeey Jimcaale, oo uu ku baddalay qof kale. Balse Ra’isuwlasaaraha ma sheegin in sababta xil ka qaadista ay tahay kiiska gabadha, hase yeeshee waxaa la sheegay in ay ahayd waxyaabo ka dhashay kiiska , gaar ahaan khilaafka madaxda.

.

XIGASHADA SAWIRKA,OPM

Madaxweynaha ayaa kasoo horjeestay tallaabooyinkaas ayaa sheegay in Fahad uu iska casilay xilkii hore, uuna u magacaabay xilka la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha. Waxaa kale oo uu Farmaajo ku gacan seyray xil ka qaadista wasiirka amniga gudaha, kaasoo uu sheegay in uu sii wadan doono shaqadiisa.

Dhanka kale, madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha mid walba waxa uu magacaabay hoggaanka Hay’adda NISA oo labo qof ay ku kala magacaaban yihiin.

Xilka wasiirka Amniga Qarankana waxa uu Rooble u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo durbadiiba loo dhaariyay xilka.

Wasaaradda Amniga ayaase u muuqata mid uu muran hareeyay, maadaama wasiir cusub la magacaabay kii horena uu sheegay inuu wali howshiisa sii wadan doono.

3- Dhowr guddi oo baaraya kiiska

.

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Wax ka badan hal guddi ayaa loo xil saaray baadhitaanka kiiska Ikraan, taasoo ka duwan xaaladihii hore.

Isniintii, madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay guddi baadhi doona sababihii keenay dhimashada Ikraan Tahliil Faarax.

Horay waxaa u jiray guddi kale oo dhinaca garsoorka ah oo ku howlanaa baaritaanka kiiskan. War qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Xeer illaaliyaha maxkamadda ciidamada uu saddex xubnood u xilsaaray baarista kiiska Ikraan. Waxaa su’aalo badan la gelinayaa sababta uu madaxweynaha ugu dhaqaaqay magacaabidda guddi kale.

Waxaa intaas dheer in kiiskan uu xitaa yaallo maxkamad, iyada oo ehelka gabadha ay 8-dii bishan maxkamadda ciidamada ka furteen gal dacwadeed la xiriira dilka gabadha. Dadka qaarna waxay isweydiinayaan sababta arrin maxkamadda taalla loogu baahan yahay in guddi loo xil saaro.

Siyaasiyiinta Soomaalida qaar, oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa guddiga cusub ku tilmaamay mid lagu daboolayo xaqiiqda iyo caddaaladda.

Sidoo kale, qareenka u doodaya Ikraan ayaa guddiga Farmaajo ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

“Xukuumadda federaalka ayaa damaanad qaadeysa arrimaha ku saabsan amniga, laakiin dacwadaha waxaa shaqo ku leh maxkamadaha, dacwaddanna waxaa si gaar ah shaqo ugu leh maxkamadda ciidamada,” ayuu yiri Tahliil Xaaji Axmed, oo ah qareenka Ikraan.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa isagoo horraantii bishan ka hadlayay arrimaha guddiyada la magacaabo waxa uu yiri: “Marka arrinta la marin-habaabinayo waxaa la dhahaa ‘guddi u saara’.

4- Qaramada Midoobay oo ka hadashay

Aamina Jane Maxamed
Sawirka Aamina Jane Maxamed

Wafdi ay hoggaamineyso ku xigeenka xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Aamina Jane Maxamed ayaa Isniintii la kulmay madaxweyne Farmaaho oo ay ku booqdeen xarunta madaxtooyada.

Aamina ayaa dhanka kale ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Mar wax laga weydiiyay kiiska gabadha sarkaaladda dowladda, Ikraan Tahliil Faarax, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay sheegtay in sarreynta sharciga iyo helitaanka caddaaladda ay muhiim u yihiin ka hortagga rabshadaha, waana xuquuqda haweenka oo dhan.”

Tani waxa ay noqoneysaa markii ugu horreysay ee mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ay ka hadlaan kiis ku saansan shakhsi Soomaali ah.

Waxyaabaha kale ee uu gaar la yahay kiiska Ikraan waxaa ka mid ah in uu kusoo aaday waqti doorasho oo Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay sidii loo dhammeystiri lahaa doorashooyinka waqtigooda ka dib dhacay.

Waxaa hadda socda waanwaan lagu doonayo in heshiis lagu dhex dhigo madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo dadaallo socday maalmihii lasoo dhaafay, oo ay wadeen siyaasiyiin, ay fashilmeen.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media