Arrinta Ikraah Tahliil oo saxaafadda caalamka gaartey & weriye kashifay dalkii ay u baxsanayeen 2 sarkaal oo laga celiyey inay ka dhoofaan Muqdisho

0

(Muqdisho) 14 Sebt 2021 – Warar ku dhow dhow Garoonka Aadan Cadde ayaa xaqiijinaya in mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka ee garoonku ay halkaa ka celiyeen laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda nabad sugidda Somalia ee NISA oo doonayey inay dhoofaan.

Sida ay xogtu sheegayso saraakiisha loo diiday inay ka dhoofaan Garoonka ayaa kala ahayd: Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kullane Jiis oo isagu ku wajahnaa Gobalka Gedo, iyo nin kale oo NISA ka tirsan oo la yiraahdo Cabdiqani Diirrane oo lagu naynaaso Wadna Qabad.

Labadan nin ayaa ka mid ah ilaa 4 eedaysane oo ay horay dacwad rasmi ahayd uga gudbiyeen qoyska dhibbane Ikraan Tahliil oo la waayey 26-kii Juun kaddib markii ay xaafaddeeda kasoo kexeeyeen saraakiisha NISA, sida ay qoyskeedu sheegeen.

MW Somalia ayaa shalay saaray guddi uu sheegay inuu baaris ku samaynayo kiiskan, waloow uu ka aamusnaa muddo 3 bilood ku dhow, waxaana warkiisa gaashaanka u daruuray qoyska gabadha maqan.

Arrintan oo ay dadka qaar ku mitaaleen qalitaankii Jamaal Khashuuqji, ayaa u muuqata inay soo jeedinayso indhaha caalamka iyadoo uu dhibka ugu badani ka taagan yahay sida liidata ee kiiskan loola xaalay, waxaana horay usoo qaadday Ku Xigeenka Xoghayaha QM oo Muqdisho booqatay.

Haatan weriyaha George Anderson ayaa boggiisa Twitter kusoo qoray in saraakiil ku lug leh dilka Ikraan Tahliil lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde xilli ay dalka ka baxsan rabeen, iyagoo aadi lahaa dalka Qadar, sida uu sheegay.

Hadalsame Media