Imisa jeer ayay dhacday in Juventus aysan guul ka helin 3-da kulan ee u horreeya halkeese ku dhamaysatay?

0

(Torino) 13 Sebt 2021 – Kooxda Juventus ayaa kulan-bilowga Champions League ee fasalkan berri ku ciyaaraysa dalka Sweden oo ay ku wajahayso kooxda Malmö FF.

Haddaba, kooxda macallin Allegri ayaa 270 daqiiqadood oo Serie A ah ka keensatay 1 dhibic oo qura, iyadoo kulankii 1-aad barbarro la noqotay Udinese, kahor intaanay guuldarrooyin kala kulmin Empoli iyo Napoli.

Yeelkeede, ma aha markii ugu horreeysey ee ay 3-da kulan ee ugu horreeya horyaalka aysan guul ka keenin kooxda Juventus, haddaba halkee gashay marka ugu dambaysa inta jeer ee ay sidani dhacday.

  • 1938/39 : 1 pt in the first 3 – 8th place
  • 1939/40 : 1 pt in the first 3 – 3rd place
  • 1941/42 : 2 pt in the first 3 – 6th place
  • 1942/43 : 2 pt in the first 3 – 3rd place
  • 1955/56 : 2 pt in the first 3 – 9th place
  • 1961/62 : 2 pt in the first 3 – 12th place
  • 1962/63 : 1 pt in the first 3 – 2nd place
  • 1964/65 : 2 pt in the first 3 – 4th place
  • 1968/69 : 3 pt in the first 3 – 5th place
  • 2015/16 : 1 pt in the first 3 – 1st place

Hadalsame Media