Shiinaha oo caddeeyey inuu Somalia kala socdo hawada sare & wixii uu arkay

0

(Muqdisho) 13 Sebt 2021 – Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho oo dhowaan loosoo diray Danjire cusub oo bedeley midkii hore ayaa soo bandhigtay sawir ay Shiinuhu ka qaadeen hawada sare oo ay Somalia ku jirto.

Sawirkan oo uu qaaday Cir-bixiyeenka Shiinayska ah ee TANG Hongbo oo ku sugan Saldhig-cireedka Hawada Sare ee Shiinaha (CSS), ayaa waxaa ka muuqanaya fiiqa jasiirad u ekaha Somalia oo eegaya jihada bari ee qorrax kasoo baxa dunida.

Sawirka ayay deeto u duwayaan dhanka dhulka sare ee Itoobiya iyagoo kasoo eegaya cirka mugdiga ah ee habeenkii ee ay nalalku dhulka ka muuqdaan.

Somalia ayaa ah dal ay dunida oo dhami sahmiso iyadoo ay xitaa jiraan dayax-gacmeedyo garan kara macaadinta dhulka ku jirta iyo inta ay la’egtahay, balse aysan dadkeedu war ka haynin wax ka badan kuraasi maran oo la iskugu haysto koodii dhici kara inta badan.

Hadalsame Media