”Waxaa marag ma doonto ah in Ikraam ku maqan tahay Hoggaanka NISA & Villa Somalia!” – Qodobbo lasoo bandhigay

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2021 – Cadaymo marag ma doonto ah in Ikraam ku maqan tahay Hogaanka NISA & Villa Somalia oo u soo tafa-xaydatay ka xaglinta cadaaladda iyo duugista Kiiska Ikraam.

1. Qoraalkii NISA soo galisay barta facebook-ga uu ku leeyahay SNTV oo lagu qiray dhimashada Ikraam, looguna tacsiyeeyey ehelkii Ikraam.

2. 48 saac oo raysulwasaaruhu u qabtay agaasimaha NISA in xogta Ikraam uu ku keeno oo ka dhaqangeli weyday dhanka Fahad Yaasiin.

3. Oday Farmaajo oo arrin aan u oolin soo salooshay iskuna dayay in uu indhaha ka weeciyo kiiska Ikraam asagoo furey buuq siyaasadeed.

4. Agaasimihii NISA oo kiiska Ikraam darteed xilka looga qaaday

5. Farmaajo oo Isku dayey in uu qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam asagoo aan marna qaabilin hooyada Ikraam.

6. Kooxda dilaaga ah ee Shabaab oo si la yaab leh isaga fogaysay dilka Ikraam ee dhankeeda loo soo baasay.

7. Caburin iyo Jirdil lagula kacay dhallinyaro banaanbax ku dalbanaysay in Ikraam ay cadaalad hesho.

8. Baabuurkii gabadha lagu afduubay oo la sheegayo in gobol kale la geeyey si baaritaanka looga qariyo.

9. Farmaajo oo ku gorgortamaya in kiiska guddi loo saaro, lagana daaayo maxkamadda.

Ma dhumayo xaq qofkii lahaa daba-joogo.. kiiska Ikraam wuxuu imtixaanayaa maxkamadda gacanta ku haysa in sharcigu uu sarreeyo ama in qofku sarreeyo.

Waxaa Qoray: Axmed M. Fiqi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media