Xafiiska Madaxwaynaha oo fasiraad iskii ah ka bixiyey kulan uu la yeelanayo Marwo Amina J. Mohammed

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2021 – Ku xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed, ayaa gaartey magaalada Muqdisho iyadoo la hadal hayo inay sidoo kale taaban doonto xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka & kiiska Ikraan Tahliil.

Yeelkeede, Xafiiska Madaxwaynaha ayaa fasiraad kale ka bixiyey waxa ay u imanayso iyo kulanka ay la yeelanayso MW Farmaajo oo uu muddo xileedkiisu dhamaaday horraantii sanadkan.

”Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow Madaxtooyada Qaranka waxa uu kulan ku`la qaadan doonaa Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey,” ayaa lagu bilaabay qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha.

”Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlaya arrimaha horumarinta bulshada (SDG), awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

”Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mohammed.” ayaa lagu soo afjaray.

Hadalsame Media