”Shilin lama bixin karo!” – RW Rooble oo gebi ahaanba joojiyey in lacag laga saaro Khasnadda Dowladda

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2021 – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xusseen Rooble oo amar dul dhigay hay’adaha maaliyadda dalka, isagoo faraya in aan wax lacag ah nooca ay doonto ha ahaatee aan laga bixin karin khasnadda DF jeer ogolaanshiyo laga helo Xafiiska RW.

Waxaa kale oo amarku khuseeynayaa lacagaha isbeesada ah iyo kuwa mushaharka ah oo ay howlwadeennada maaliyaddu u baahan doonaan inay kala tashadaan RW Rooble.

Lacag caddaan ah ama kaash ayaan iyadana laga saari kari doonin khasnadaha DF ilaa sababta la ogaysiiyo Xafiiska RW Rooble.

Hoos ka akhri qoraalka rasmiga ah…

Hadalsame Media